Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Qiso ku cibro qaadasho mudan

Qiso ku cibro qaadasho mudan
Follow
( 1 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Cahdigi nabi Muusa (cs) ,waxa jirey nin  reer bani israail ahaa oo ilaahay mar walba caasiyi jirey ,dembi iyo fisqina ku dhex jirey muddo afartan sano ,markaas ayaa roobki  joogsaday muddo ,nabi muuse (cs) ayaa dadki u yeedhay oo tujiyey salaad roob doon ah ,hase yeeshe roob lama  helin , nabi muuse ilaahay ayu waydiyey sababta ay roobka u heli waayeen ,ilaahayna wuxu ku yidhi ” waxa idinku dhex jira nin afartan sano ee caasinayey ,macsiyadiisa darti ayaa roobki la idinkaga mamnoocay “, markaasu  nabi muuse ilaahay ku yidhi “maxaanu samaynaa ” ilaahayna wuxu ugu jawaabay “iska dhex saara nin ka markuu idinka tago roobka waad heli doontaan ” nabi muuse reer bani israail ayu isugu yeedhay waxaanu ku yidhi “waxaa inagu dhex jira nin ilaahay caasinayay muddo afartan sano ah ,  roobkana heli mayno illaa uu inaga baxo   . ninki wuu is gartay  muu bixin mana tegin laakin ilaahay ayu baryay isagoo leh “ilaahow maanta haddaan dadka ka soo dhex baxo waan fadeexadoobayaa haddaan sii dhex joogana harraad ayaanu u wada dhimanaynaa ilaahow i astur oo ii dambi dhaaf adiga keliya ayaa dembiga dhaafe “

inta ka dib roobkii ayaa soo daatey  ,nabi muuse ayaa ilaahay waydiiyey ” ilaahow roobki waanu helnay qofna nagama soo dhex bixin ” ilaahay ayaa u jawaabay  “Roobki wuu idiin da’ay addoonki i caasiyi jireyna wuu tawbad keenay ” nabi muuse ilaahay ayu ku yidh “ilaahow ninkaa i tus aan arkee ” markaasu ilaahay ku yidhi ” afartan sano isagoo i caasinaya ayaan asturayey  ma maanta oo uu tawbad keenay ayaan fadeexadeeyaa  “.

bal akhriste naftaada waydii immisa jeer ayuu ilaahay ku asturay , ma u tawbad keentay allihi ku abuurey , hadda fursad ayaad haysata aad wixii kaa khaldamay ku sixi kartid berri iyo hadhow ma hubtid inaad gaadhi karto .



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.