Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Qodobo Aad Ku Sugi Karto Amaanka Computerkaaga Computer1

Qodobo Aad Ku Sugi Karto Amaanka Computerkaaga  Computer1
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Kombutarkaaga in aad viruska ka ilaaliso dantaada ayaa ku jirta iyadoo waqtigaan hada la joogo ay virusyada qaarkood naftaada khatar galin karaan ayagoo loo isticmaali karo in la xado warbixintaada ama akoonka bankigaaga. Balse qofkii raaca talooyinka aan hoos ku soo bandhigi doono wuu ka badbaadayaa in kombutarkiisa virus ku dhaco.

Isticmaal Antivirus markastana cusbooneysii
Barnaamijka Antivirus waa ka ugu muhiimsan ee aad ku sugi karto amaanka kombutarkaaga, haddii aanu antivirus ku jirin kombutarkaaga khatar wayn ayuu ku jiraa. Waxaa sidoo kale muhiim ah in antiviruskaaga uu yahay kii ugu dambeeyay oo markasta oo nuuc cusub soo boxo uu is cusbooneysiiso.

Hubi in Windows Update ku uu shaqeynaayo.
barnaamijka windows waxa uu leeyahay qeyb ka mid ah oo markasta la socota nooca ugu dambeeya ee Windows asagoo si otomatic ah isugu shuba haddii aanaad xidhin . Si aad u xaqiijiso in Windows Update uu furan yahay booqo Control Panel ka dibna riix Windows Update. Waa muhiim in Windows Update uu On yahay haddii kale virusyo badan ayuu khatar ugu jiraa.

Isticmaal Firewall
Qeybta loo yaqaan Firewall ee sidoo kale la socota Windows aad ayay muhiim u tahay, Hubi in Firewallka uu On yahay. Kombutarada aan Firewallka lahayn waxay qatar ugu jiraan in la afduubto oo loo isticmaalo weerarada Internetka.

Iska ilaali websiteyada aad booqato.
Websiteyo badan ayuu virus ku jiraa iska ilaali websiteka aad booqato, barnaamijka aad isticmaasho ee Browser loo yaqaan waa in uu ahaadaa mid la socon kara xaalada websiteka aad booqaneyso waxaana kuu fiican in aad isticmaasho Google Chrome ama isticmaalFirefox.

E-mailkaaga il gaara u yeelo
Emailku waa kan ugu badan ee ay ku faafaan virusyada, iska ilaali in aad furto faylasha la socda fariimaha aad hesho khaasatan kuwa ka socda dadka aanaad aqoon ama fariin aanaad fileyn. khaasatan waligaa ha furin fayl noociisu yey .exe.

MSN taxadar u yeelo
Barnaamijka caanka ah ee MSN waxa uu ka mid yahay kuwa ay virusyada ku faafaan. Iska ilaali faylasha ay asxaabtaada kuu so diraan. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in kombutarkooda uu virus ku dhacay oo si otomatik ah uu fariimaha u dirayo.

Iska ilaali sheekooyinka beenta ah ee internetka
Qodobka ugu dambeeya ayaa ah iska ilaali fariimaha ay soo direen dadka loo yaqaan Scammers ee ah tuugada internetka ayagoo mararka qaar kuu sheegaya sheekooyin been ah sida in aad ku guuleysatay maalaayiin dollar Waxay doonayaan in ay lacag kaa helaan ama ay isticmaalaan warbixintaada

 

Aqoonkaab



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .