Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Raac talooyinkan si soonkaagu u noqdo mid caafimaad badan

Raac talooyinkan si soonkaagu u noqdo mid caafimaad badan
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

bishan ramadan waa bil aynu ka afxidhanahay cuntada iyo cabitaaanka muddo dheer hase ahaaree mudada soonku way ku kala duwan tahay wadama badan oo adduunka ah .

inta badan dhakhaatiirku way ku waafaqsan yihiin in soonka laga helo caafimaad badan isla markaana uu yahay daaawo dabiiciya  , haddana dadka qaar ayaan helin helin faaidooyinka caafimaad ee soonka taas oo ay sabab u tahay falalka khaldan iyo hab dhaqan aan ku wanaagsanyn soonka ee ay  dadkaasi ku kacaan .

maqaalkan waxaanu ku eegi doona hababka ugu wanaagsan ee soonkaaga ka dhigeysan  mid firfircoon oo caafimaad badan .

1.ha ka tegin suxuurta 

ka tegida suxuurta adigoo soomaya waqti dheer jidhku wuxu waayi doonaa qoyaankiisa taasi oo sababaysa  in jidhku miisaankiisa u lumiyo hab aan wanaagsanayn maalintii oo dhana aad dareento daal iyo gaajo badan.

2. cunto badan ha cunin xiliga afurka

ka dib marka aad maalin dhan soo af xidhnayd waxaad u malaynaysaa in cunto badan oo aad cunto xiliga afurka ay soo celin karto tamartii uu jidhkaagu lumiyey laakiin taa lidkeeda cuntadaa badani jidhkaaga waxbay yeelaysaa . sidaasi daraadeed waxa waajiba in afurkaagu noqdo mid dheelitiran oo fudud.

3.cuntooyinkan yareyso xiliga afurka

ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay duxda iyo sonkorta.

ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan tahay saliida  sida saambuuska.

ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay milixdu .

cuntooyinkani waxaad ku dareemi doontaa daal marka aad soomantahay sidaa daraadeed haddaad cunto cuntooyinkan waa inaad  sidoo kale cuntaa khudrado iyo fawaakih .

4.cab biyo kugu filan 

biyo kugu filan oo aad cabto inta u dhaxeysa suxuurta iyo afurka jidhkaagu wuxuu noqonayaa mid qoyan ,waxa kugu waajiba inaad cabto illaa sideed koob oo biyo ah  oo ay ku jiraan sharaabkii kale iyo caano kuwaas oo bedeli kara biyaha .

5. cun khudrad badan 

khudrado badan oo aad cunto xiliga afurka ama suxuurta waxay jidhkaaga ka ilaalinayaan qalaylka.

6.cun cuntooyinka tamarta laga helo

cunitaanka cuntooyinka tamarta laga helo sida baastada ,digirta,bariiska waxay jidhkaaga siin kartaa awood uu ugu adkaysto gaajada .

xuquuqda :aqoonkaab.com

emailka :info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.