Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Saacadaha laga soomayo wadamada adduunka bishan Ramadan

Saacadaha laga soomayo wadamada adduunka bishan Ramadan
Follow
( 2 Followers )
X

Follow

E-mail : *

qaar ka mida wadamada adduunka saacado aad u dhaadheer ayaa laga soomaya qaar kalena saacado kooban  markaynu eegno warbixinihii u dambeeyey ee laga soo kala qorey wadamada adduunka iyo saacadaha ay soomayaan.

suurto gal maaha inaaanu dhamaantood  wadan kasta soo qorno laakiin waxaanu idiin soo gudbinaynaa wadamada badankooda iyo sida ay isugu dhow yihiin, waxaanu usoo horreysiin doona wadama waqtiyada ugu dheer la soomayo.

1. Denmark : muslimiinta ku sugan wadanka denmark waxay soomayaan saacadaha ugu badan ,21 saacadood ayay soomayaan.

2.Iceland,Sweden iyo Norway:  wadamadan waxa laga soomayaa 20 saacadood.

3.Netherland/Holland iyo belgium: waddamadan waxa laga soomaya 18 saacadood iyo badh.

4.Spain  : waxa laga soomaya 17 saacadood iyo badh.

5.Germany: waxa laga soomaya 16 saacadood iyo badh.

6.England : waxa laga soomayaa soonkii ugu dheeraa muddo ku siman 33 sano waxaana laga soomaya inta u dhexeysa 16 -19 .

7.France iyo italy : waxa laga soomaya 16 saacadood.

8. Beriga dhexe : imaaraatka carabta iyo cumaan waxa laga soomaya 15 saacadood , masar waxa laga soomaya 15 saacadood, yemen waxa laga soomaya 14 saacadood iyo 50 daqiiqo ,qadar waxa laga soomaya 14 saacadood iyo 40 daqiiqo.

halka kuweyt , ciraaq,urdun,aljeeriya,morooko,liibiya,sudan,sacuudiga iyo beriga afrika laga soomayo 15 saacadood.

9. Eeshiya: baakistaan waxa laga soomaya 15-16 saacadood halka bangaladesh laga soomayo 15 saacadood , hinya waxa laga soomaya inta u dhexeysa 14-16 saacadood.

10. Argentina iyo Australia : wadamadan ayaa ah wadamada ugu saacadaha yar laga soomayo, Arjentina  waxaa laga soomaya 9 saacadood iyo badh halka Australia laga soomayo 10 saacadood .

Xuquuqda:Aqoonkaab.com

waxa Qorey : maxamed maxamud sardheeye



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.