Follow
X
Follow
Qof kasta wuu ogyahay in saaxiibadu ay saamayn ku leeyihiin nolosha ,Laakiin dad badan ma oga ay saaxiibada yihiin kuwa ugu awooda badan ee noloshaada wax ka bedeli kara ,ku kordhin kara ama ka nusqaamin kara .
saaxiibkaagu wuxu talo ku leeyahay go’aamada aad gaadhayso mararka qaar ,fikiradaha aad aaminsatahay,qoraalkan kooban waxay nu ku eegi doonaa saamaynta saaxiibku ku leeyahay nolosha.
1.saaxiibka waxa uu bedeli karaa waxyaabaha aad aaminsan tahay : saaxiibka waxa uu markasta ku dadaalayaa inuu kaa dhaadhiciyo fikradaha uu aamin san yahay, waxa uu jecel yahay inaad isku wax aaminsanaataan , sheeko kasta uu kaaga sheekeeyo waxa uu ku caddaynaya inuu fikirkiisu sax yahay.
2. saaxiibka waxa uu saamayn ku leeyahay kalsoonidaada : halkan saaxibadu way ku kala duwan yihiin saaxiibkaaga wanaagsan mar walba wuu ku dhiiri geliya , waxyaabo wanaagsan ayuu kaaga sheekeeyo ,kalsooni ayuu kugu abuura.
halka kuwa kale na ay yihiin qaar ku niyad jebiya , inta badan waxay raadiyaan nusqaantaada ,waxay ku xasuusiyaan guul darooyin iyo maalmo qadhaah oo ku soo maray oo aanad u baahnayn in lagu xasuusiyo .
3.saaxiibada waxay bedeli karaan habdhaqankaaga: daanyeer aan weligii mas ka baqan ayaa la tusey daanyeer kale oo isla maskii ka baqanaya , daanyeerkii aan weligii ka baqan maska waa uu cararay waxa uu bilaabay inuu maska ka baqdo ,wax kale isma bedelin hab dhaqanka saaxiibkii ayuu qaatay .
Habdhaqanka saaxiibka oo aad qaadataa aad bay u fududahay , saaxiibka uma baahna inuu kaa dhaadhiciyo ama kaaga sheekooyin hab dhaqan kiisa , si fudud waxa kuu cajab gelinaya hab dhaqankiisa isla markiiba waad qaadanaysaa , ka taxadir hab dhaqanka saaxiibadaa !!!
xuquuqda:Aqoonkaab.com
waxa qorey : maxamed maxamud sardheeye