Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Saamaynta Caafimaad ee Caanaha

Saamaynta Caafimaad ee Caanaha
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

xataa Haddaanad ahayn qof  jecel ama xiiseeya cabida caanaha,maskaxda ku hay faaidooyinka caafimaad ee caanaha !.

caanaha iyo cuntooyinka kale ee caanuhu ku jiraa waa isha ugu wanaagsan ee laga helo macdanta Kaalsiyun(calcium) , Macdantani waxay ka hortagtaa lafa burburka , dadka lafaha dhaawac ama xanuun ka soo gaadho dhakhtaradu waxay ku la taliyaan  inay si joogta u cabaan  caaanaha.

dadka qaar waxay si joogta ah u cabaan caanaha ,halka kuwa kale aanay cabin xataa intii jidhku uga baahnaa .

hal koob oo caano ah oo aad maalin kasta si joogta ah u cabto, waxaad ka helaysaa dhamaan faaidooyinka caafimaad ee ay caanuhu leeyihiin.

faaidooyinka caafimaad ee caanaha 

Caanuhu waxay ka hortagaan lafa burburka , waxay ilaaliyaan wadnaha sidoo kale waxay ka hortagaan kanserka caloosha, dadka sida joogtada ah u caba caanaha waxay 22%  ka khatar yar yihiin inuu haleelo kanserka caloosha marka la barbardhigo  dadka aan caabin caanaha .

sidoo kale caanuhu waxay hoos u dhigaan xadiga dhiig karka ,waxaanu ka hortagaa cudurada haleela wadnaha

intaas kuma dhama faaidooyinka caafimaad ee caanaha , caanuhu waxay ka hortagaan cayilka (buurnida), dadka aad ka u cayilan waxa lagu taliyaa inay cabaan caanaha , sababtoo ah macdanta kaalsiyam(calcium) ee caanaha ku  jira waxay ka qayb qaadata miisaan lumida jidhka .

ku darsoo caanuhu waxay xoojiyaan guud ahaan hab dhiska difaaca jidhka

waxa diyaariyey: maxamed maxamud sardheeye

xuquuqda:Aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .