Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Saamaynta Ganacsiga Xorta ahi ku leeyahay Wadamada aanu ganacsigoodu gaashaan qaadin

Saamaynta Ganacsiga Xorta ahi ku leeyahay Wadamada aanu ganacsigoodu gaashaan qaadin
Follow
( 1 Followers )
X

Follow

E-mail : *

qaybtii kobaad ee maqaalkan waxaynu kusoo qaadanay ganacsiga caalamigaa wuxu yahay  iyo asbaabaha xidhiidh ganacsi loo sameeyo .

qaybta labaad waxaynu ku eegi doona mushkilada uu kensado ganacsiga xorta ahi,sida lagu yarayn karo dhibaatoyinkaas iyo asbaabaha wadamada  dunida seddexaad dhaqalaahoodu uhoseeyo

Mashaakilaadka uu keensado ganacsiga caalamiga ahi:

1.Ganacsiga caalamigii waxuu kenaa in mararka qaar wadanku soo dhoofsado waxyaabo aan waxtar u lahayn sida maandooriyaasha tusaale ahaan dalka somaliya lacag badan ayaa kaga baxdaa soo dhoofsashada qaadka taaso hoose udhigta waxsoo saaridda dadkeeda isla markaan ka dhigta kuwa unugul xaalado caafimaad daro.

2.Ganacsiga calamiga ahi wuxu keena sicir bararka lasoo dhoofsado (imported inflation) markuu wadan alaab kasoo dhoofsado wadan la daala dhacayay sicir barar waxay ku leedahay sameeyn weyn madaama qiimaha alaabtii laga soo dhoofsadey kor uqaadmeyso ,sida oo kale alaabtii qaydhin ee la soo dhoofsaday loona isticmaalayay soo saartista alaab kale (finished goods) qimeehedu kor ukacayo.

3.Waxa laga dhaxla ganacsiga calaamiga shaqa la’aan gaar ahaan nooca loo yaqano (cyclical unemployment ) madama shirkadaha wadanka qaar waxsoorakoodi hoos udhacayo tartan xooganna ay kula jiraan shirkadaha qalaad waxaana hoosu dhac ku imanayaa faa’dadoodi si ay uga kabtaan kharashka joogtada ahna waxay sameeyan shaqaale dhimis.

4.Ganacsiga xorta ahi wuxuu keena (dumping) oo ah in wadamada shisheeyay alaaboyin raqiisa oo jaban kusoo harqiyaan suuqyada dalalka kale sida alaabta jayniiska ee dalkeena haysata .

5.Waxay keentaa in qaran uu ku tirsanado qaran kale isla markaan fara galin siyaasadeed ay ku yeshaan madamay quutkooda u gacantooda ugu jiro.

Si kasta oo ay tahay madaama aan laga maarmeyn ganacsiga caalamiga waxay wadamadu qaadaan tallaabooyin ay ku xakamaynayaan halista uu ku leeyahay dhaqaalahooda. Waxa ka mida talaabooyinkaas:

1.Cashuur:Wadamadu waxay cashuur saran alaaboyinka soo galaya si ay uyareeyan una xaddidadan isu socodaka ganacsi madama alaaboyinka la saray cashuurta ay ka qalisan yihiin alaaboyinka kale dadkana ay ku adkaan doonto iney goyaan.

2.In kooto loo xidho shirkadaha qaar:Dawladuhu waxay xaaddidaan qulqulka alaabaha iyagoo shirkado cayiman siinaya kooto ama xadidaya xadka alaabe wadankooda ay soo galin karaan.

3.In dowladu la wareegto ganacsiga: habkan waxa raaca wadamada qaar ,soo dajinta iyo dhoofinta alaaboyinka waxa la wareegta dawlada madama dawladu ugu tudhaal badantahay shacabka ganacsatada gaarka ah.

4.In la mamnuuca soo dhoofinta alabooyinka qarkod sida kuwa waxayeeloyinka leh ama wadanka gudihisa lagu samayn karo cidi soo dhafisana ganaax la saaro.

5.In dawladu garabka saarto shirkadaha iyo ganacsiga dalka si ay alaabaha qalaad ula tartami karaan qiima ahaan uga jabnaadan tayo ahaana uga ficnadan waxaanay dawladuhu siiyaan shirakadahooda lacag kab ah lana dhaho(subsidy).

Kuwan iyo kuwa kalo badan oo ay ka mid yihin ku adkeenta liisanka ganacsi iyo qiima ridida lacagta dalku waa xeeladaha iyo istaratijayadaha wadamadu adeegsadan si ay ku yareeyan faa’idooyin darada ganacisiga xorta ah.
Badana wadamada dunida sedexaad ayaa ah kuwa dhibtada ugu badani kasoo gaadho ganacsiga xorta ah sideynu ognahay wadamadaas waxay la baxaa degayaan hoos udhacyo dhaqaale waana qaar unugul gaajada iyo abaaraha. Waxa intaas usii raaca caddaalad darada iyo musuqmaasuqa hogaankooda waxaanay u seeteysan yihin amaaho baxad leh oo ay kasoo daynsadeen wadamada hormaray.
Isku soo wada duduuboo waxyaabaha loo aaneeyo hoosu dhacyada dhaqaale dunida sedexaad marka la joogo ganacsiga caalamiga ayaa ah

1.Hormarka tiknoolijiyadda ee wadamada hormaray ayaa wuxu keney in waxsoosarka dalkoodu ka tayo ficnaado kana baaxad badnaado kan wadamada dunida sedexaad.

2.Waxsoosaarka waddamada dunida sedexaad oo ah qaar isku mid ah taaso keensatay qiimaha alaabtoodu iney hoos udhacdo isla markaan suuqyada caalamka ay isku cidhidhiyaan.

3.Badanaa wadamadda dunida sedexaad oo kasoo dhoofsada alaab qaaliya wadmada kale waxaanay ku bixiyaan lacag ka badan ta kasoo gasha waxabahay udhoofiyaan wadamadaas.

4.Waddamada dunida sedexaad oo dhoofiya alaabta qaydhin ( raw materials) hadhowna marka lasoo farsameeyo dib iyaga loogu soo dhoofiyo lagana siiyo lacag ka badan intay ku tagnaan lahayd haday iyagu warshadaysan lahayen.

5.Inta badan sharciyada ganacsiga iyo xerarka dhaqaale waxa dajiyay wadamada hormaray waana qaar iyaga saacidaya oo garab siinay.
Ugu dambayn, Waddamada dunida sedexaad oo dalkeenu ka jiro waxa la gudboon inay la yimaadaan siyaasad cad oo ay ku taageerayan dhaqaalahooda si ayu xakameeyan aafada ganacsiga dibadu leyahay.

W/Q : Najah khadar yonis




Leave a Reply

Your email address will not be published.