Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Saamaynta Ganacsiga Xorta ahi ku leeyahay Wadamada aanu ganacsigoodu gaashaan qaadin

Saamaynta Ganacsiga Xorta ahi ku leeyahay Wadamada aanu ganacsigoodu gaashaan qaadin
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Horumarka iyo isbedelada ka dhacay dunida qarniyadii u dambeeyay waxa uu keensaday inuu xoog sare ugu kaco dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo isweydaarsashado alaabaha iyo adeegyada magaalooyinka iyo waddamada dhexdoodaba. Haddaba maxa keensaday baahiyaha in wadanku xidhiidho ganacsi la sameeyo wadamada jaarkiisa ah iyo kuwo ka durugsan ba? Maxay se tahay saamaynta uu keensaday ganacsiga caalamiga gaar ahaan waddamada dhaqaalahoodu aanu gaashaan-qaadin? Maxaa se la gudboon waddamadaas si ay u difaacaan dhaqaalahooda tamarta daran? Maxay daruuri u tahay inay wadamadu wadagaan ganacsi? qodobadan hoos ku qoran ayaynu kaga bogan doona sababahay wadamadu ganacsiga uwadagaan

1.Isku filaansho la’aan: ma jiro adduunka dal wada daboolay dhammaan baahiyaha dadkiisa isagoo ka maarmay wax-soosaarka dalalka kale.

2.Khayraadka dhulka:Qaybinta rabbaaniga ah ee khayraadka dabiiciga ah ayaa wadamadda qaar ka qatan yihin taasa kelliftay inuu dalku asxaabtii lagalo heshiisyo gancsi .

3. Xirfad iyo agab la’aan: Wadamo badan oo ay ugu badanyihin kuwa Africa ku yaala ayaan awoodin iney la soo baxaan deeqaha rabi siyay madama anay haysan farsamadii,aqoonti iyo qalabkii loo adeegsan lahaa.

4. Maxsuulka saa’idka ah:Wadamada awooday inay lasoo baxaan in kabadan intay u baahan yihiin waxay kelliftay inay suuqyada caalamka geeyaan si dheef kale ugu bedeshaan.

LA SOCO QAYBTA LABAAD 
W/Q : NAJAX KHADAR YOONIS



Leave a Reply

Your email address will not be published.