Search
Monday 12 November 2018
  • :
  • :

Sababaha keena guusha dardaaranki cumar bin khadaab (RC)

Sababaha keena guusha dardaaranki cumar bin khadaab (RC)
Follow
( 1 Followers )
X

Follow

E-mail : *

SABABAHA KEENA GUUSHA WAXAA KAMID AH
cumar binu khadaab oo ahaa amiirul muuminiinka ayaa wuxuu diray ciidan uu hogaaminayay “sacad binu abii waqaas”raali allaah ka noqdee si ay usoo xoreeyaan dhulka faaris, wuxuuna uqoray ballan sidaan uqornayd:
1- CABSIDA ILLAAHAY
waxaan farayaa adiga iyo ciidanka kula socda inaad illaahay ka cabsataan xaalad walba, waayo cabsida illaahay waa hubka ugu fiican ee cadaw lagula diriro waana taatikada ugu xoog badan ee dagaal lagu galo.
2- MACSIDA OO LAGA TAGO:
waxaan farayaa adiga iyo cidda kula socota inaad sida aad isaga ilaalinaysaan cadawgiina, sika daran aad isaga illaalisaan in aad illaahay ku caasidaan, waayo denbiga ciidanku sameeyo ayaa ciidanka ugu khatarsan cadawgiisa, muslimiinta waxaa guusha loo siiyaa in cadawgiisu illaahay ku caasiyey, haddii aysan taasi jirinna awood ma yeeshaan muslimiintu, waayo gaaladu way inaga tiro badan yihiin, wayna inaga hub badan yihiin, haddii aynu macsidii isaga mid noqono waxay ina dheeraanayaan awooda ay haystaan, hadii sidaaan uga fadli badanahay guusha la inoo siin, awood ugama guulaysan karno.

Waxaad ogaataan in ay idin la jiraan ” malaa’ig ilaaliyeyaal ah oo illaahay idiin soo diray lana socota waxaad samaynaysaan haddaba ” malaa’igtaa” ka xishooda, in aad illaahay ku caasidaan ha ku kicina adinkoo illaahay dartii usocda hana odhanina cadowgeenu wuu naga shar badan yahay illaahna nagu sallidi maayo xataa haddaan xumaan sameeyno, waxaa badan ina qolo lagu salliday qolo kale oo ka shar badan, siddii “reer banu israa’iilba markay macsida faleen loogu salliday maguusiyiintii, iyo sida carabta muslimiinta ah loogu saliday yuhuudda”.

3- IN ILLAAHAY LA KAALMAYSTO: illaahay waydiista in aad ka guulaysataan “naftiina”, sida aad u waydiisanaysaan in aad ka guulaysataan “cadawgiina” idinka iyo anagaba arrintaa illaahay inoowaydiiya.
Illaahayaw arimahayaga oo idil guushaada na waafaji AAMIIN YAA ALLAHAYAW!!

 

Aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


2 thoughts on “Sababaha keena guusha dardaaranki cumar bin khadaab (RC)

Leave a Reply

Your email address will not be published.