Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Sharkuba waa shaxaadka !!!!

Sharkuba waa shaxaadka !!!!
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Ummad dhan oo madax iyo minjo shaxaad ku u noqday  caado, maxaa laga sugayaa? Waa dhaqan aad u xun oo sababay dhammaan niyo xumada dalalka Soomaaliyeed taalla. Waa astaan xun oo jiilba jiil u gudbinayo. Waa dhaqanka Soomaali baray wax qabad la’aanta. Wax kasta oo aynu difaacayno (ka Soomaali ahaan) waxa aynu gadhka u galinaa diinta si aan looga hor iman ama dhaleecayn loogu helin. Waa run oo diintu in wax la istaro waa ay inna faraysaa se innama farayso in dullinamada wax waydiisiga aann baahida iyo bayhoofku sababin la caadaysto.

Shaqo dalka waa ay taalla, kuuliga iyo xashiish gurku ha u hooseeyeene. Se waa sharaf in laga kaaftoomo gacan bini-aadmi. Han iyo is lawynaan aan meel gaadhsiinayn ayaa Soomaali haysta. Waa sababta ay caydha iyo calool xumada yurub taalla ugu qanceen, sharafta iyo shaqaysiga dalkii taallana ay uga rooreen. Marna aniga dhagaha ha iigu ridin in dalka shaqo la’aani taallo laakiin waxa wax la aqbali karo ah waxa taalla shaqo laga faanayo, se hadda ogsoonaw oo waxa loo faanayaa faro madhnaan iyo shaxaad sharfta ruuxa hoos u dhigaya.

Dhagaha waxa ka batay ama la isku wareeriyaa ”hadba ruuxii dihin baa wax la wadiiyaa, maalinba nin baa wax haya, waar waxan adduunyadu waa sheeko …IWM”. Haa wax isi siinta iyo sadaqada labaduba waa wax wacan. In wax la is taro cidina dhib kuma hayso dheef mooyaane, waxa se dhib dhaliil iyo dhaqan xumoba ah wax aan sadaqona ahayn se sharaf dhac iyo shaqo doon la’aan sababaya. Waa wax waydiin kolkasta taagan iyo diidmo aan jirin, ileen qofka diida waatan la aaminay in uu diinta ku xadgudbayo’e. waxa kale oo ay maahmaaho u samaysteen si aan wax loogu diidin iyaga oo magaca “Bakhayl” huwinaya ruuxii ka dhego adkaada baryadooda aan geedna ku soo gabban. Bakhaylnimadu waa wax xun se dhaqan aan bakhaylnimo ahayn haddii ruux lagu eedeeyo middaasaa dhaqan xumo ah.

Waxba yaan lagu andacoon “noloshu hadba qof way wacnaysaa” se waa in la xaqiiqsadaa in marna iman doonin wax aanu qofku gacaniisa ku kasban. Inta aan musuq maasuq laga caban waa in dadka laga saaro baahidan gudaha qalbiga ka gashay. Wiilkii waxa uu ku fakarayaa in uu gabadh dibadda joogta guursado, inantii sidoo kale; hadda jacaylna kama aha ee waa yaad waxba qaban. Dhibaatada ugu wayn ee maanta Soomaali madax iyo minjo haysataa waa: qalbiga ayaa uu faqri kaga furmay dagaalladii ka dib. Waxa niyadda kaga wada jirta baahi aan meel ay ku dhammaato iyo wax baabiiya toona la garanayn Alle ha u sahlee. Sababta ugu waynina waa shaqo nacayb iyo shaxaadka oo u saamaxay in ay shaqo la’aan noolaadaan.

Haddii ruuxu uu ogsoon yahay haddii aanu shaqaysan in uu baahan doono ma uu shaqo la’aadeen; kamana faaneen shaqooyinka qaar. Qofkasta oo Soomaaliyii ma dooneen in uu iska noolaado, haddii uu shaqaynayana uu xafiis iyo kursi la isku wareejiyo ku fadhiisto. Adduunka Alle ayaa maamula xeerarkiisana gacanta ku haya. Waa xeer ummadi ama shakhsi haddii uu shaqaysan waayo, in uu baahi iyo sharaf darro kasban doono.

 Ka soo bilaw wiilka 20 jirka ah ila maa dawladaha Soomaaliyeed waxa ay ku nool yihiin shaxaad. Waa sababta keentay in ruuxa soo daga la dhego-barjeeyo, iyana ay isu haystaan in ay hantidii adduun gacanta ku hayaan. Maalintaa ruux wax hayaa meesha soo maro ayaa mid baahan iyo mid kaleba cagaha wax laga dayayaa oo daanta uu joogo la isku shubayaa, se waa fal aan habboonayn sharafta ruuxana hoos u dhigaya. Maxaad wax u waydiin isaga oo aan Alleba kugu qaban?

Waxa aynu ka dhaxalnay shaxaadka iyo baryada joogtada ah ee aan baahida badani sababin waxa ka mid ah:

In qoys dhan oo 10 qof iyo ka badani ka kooban uu halqof  u xoogsi tago. Waxa lagaba yaabaaa in uu yahay qofka ugu tamarta yar, waxa uu ka shaqeeyaana yahay tamaandho ama kuuli.

In wiilka/gabadha dhali yarada ahi ka fakaro sidii uu u tahriibi lahaa. Waayo waxa ay aamineen in aan halkan risiq oollin se halkaa yaal. Waxa ay aamineen in si kasta oo ay halkan u shaqaystaan aanay meel gaadhayn se ay halkaa wax tar ku yeelanayaan. Hal mid bay ku saxan yihiin oo halkaa shaxaad ma yaallo, hadaan Soomaali badani ka horayn.

In dawladaha dhan ee  matala masiirka Soomaaliyeed ay gacanta uun hoos hayaan dalal shisheeye iyaga oo waxa loo baahan yahayba ka qaalisan yihiin gawaadhida ay wataan. Waa dhaqan xumada inna haysata adiga oo jeebkaaga ku kaaftoomi kara in aad ku kale baadho.

In baahida asaasiga ah laga gudbi waayo iyada oo mid guudna la qabanayo. Maxaa uga dan ah xaflado la qabto nin naftiisii qirinqiir ku jirto. Waa sabab ka mid ah sababaha uu keenay in la garan waayo sida ay hawluhu u kala horreeyaan.

In hawl kasta oo timaadda dhaqaalena u baahata haba yaraado waxa ku baxayaaye, markiiba laga fakaro yaa aynnu waydiinna inta aan laga fakarin ma kaafiyi karnaa.

Baahida aan dhammaan ee madax deena. Waxa aad arkaysaa nin madax ah oo wax dalka uu ka sii qaato mooyaane aan oggolayn in 500SHLN ka galin. … IWM

Ummadaha adduunku sidaa waa ay ka dhaqan duwan yihiin.  Waxa innoogu dhaw Itoobiya oo waxaa lagama yaqaan. Wiilka iyo aabihii waa ay kala madax bannaanyiin; kolka uu wiilku qaan gaadho. Waxa ruuxa loo carbiyaa in uu ugu yaraan naftiisa kaafiyo. Innagana waxa aad arkaysaa 30 jir aan wali 1000SHLN oo leeyahay cunin. Waalidiintu uma carbiyaan caruurta qaab shaqo se waxa ay ka fikiraan sidii ay u dhargin lahaayeen see waa masiibo aan yarayn.

Xalka ugu habboon ee haddaba lagaga bixi karo arintan iyo aafada ka daran ee soo fool leh ayaa ah: in waalidku ilmihiisa ku ababiyo sidii uu uga maarmi lahaa kolka uu qaangaadho. In uu ku barbaariyo kalgacal iyo kalsooni uu ku barayo sidii uu shaqo u samayn lahaa amaba u shaqaysan lahaa. In uu ku rabbeeyo in shaqadu sharaf tahay shaxaadkuna sharaf darro iyo shuqul nacas uu yahay.

W/Q Sakariye Cabdixakiin Maxamed (Miido)

Email: Sakariyemido@gmail.com

www.Sakariyemiido.blogspot.com




Leave a Reply

Your email address will not be published.