Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

shirkada Google oo samaysay taleefano cusub

shirkada Google oo samaysay taleefano cusub
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

shirkadda google waxa ay daahfurtay laba taleefan oo cusub ,labada taleefan oo lagu magacaabi doono

google pixel iyo google pixel XL. waa taleefanadii igu horeeyey ee google samaysay qalabkiisa (hardware) iyo barnaamijyadiisaba (software).

taleefanka google pixel cabirkiisu waa  5 inch halka google pixel XL cabirkiisu yahay 5.5 inch

labada moobil ee waa isku mid dhinac kasta marka laga reebo cabirka shaasha iyo bayteriga.

labadan moobilba waxa ay u nashqadeysan yihiin hab casri iyagoo ku shaqaynaya barnaamijka androidka u dambeeya ee android Nougat.

illaa hadda waa taleefanka casriga ee ugu xawaaraha dheeraaya marka la barbar dhigo taleefanada loo yaqaan smartphones ka waxa  uu ku dhisan yahay processor ama maskaxda snapdragon 821 , 4GM RAM iyo illaa 128 GB oo kaydin  macluumaad ah .

keliya waxa uu dabku ku buuxsamayaa 15 daqiiqo si wireless ah (bilaa xadhig ah ) waad u dabayn kartaa .

moobilkani waxa uu sheeganayaa inuu leeyahay kamerada ugu tayada badan dhamaan kameradaha moobilada dambe , waxa uu ku dhisan yahay kamerad 12 MegaPixel iyo 4K videos waxa la socda flash light.

waxa qorey: maxamed maxamud sardheeye

@Aqoonkaab 2016

 

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .