Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Shirkadaha isgaadhsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Qiimo dhaca Shilinka

Shirkadaha isgaadhsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Qiimo dhaca Shilinka
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Shirkada Telesom hore waxay u daabacan jirtay lacagta Dollar-ka intay doonto oo digits ah(lambaro ah ), iyadoo anay jirin hay’ad dawladeed oo awood u leh inay la socdaan kolba xadiga lacagta shirkadu daabacanayso. Shirkadu waxay dadka ka urursan jirtay lacagta dollar-ka oo cadaana ama noodha. Lacagtaa noodhka ah ee shirkadu urursatay waxay ku samaysaynaysay ganacsiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin bangiga Salaama Bank, Electricity Companies iyo xawaalado ay ka mid yihiin Taaj.

Sicir bararka cirka isku shareeray waxa sababay markii lacagtii suuqa ku jirtay oo kala ahayd lacagtii cadaanka ahayd iyo lacagtii numberada ahayd ay aad u batay, taasi waxay keentay in Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga dhexe oo shanqadha sicir bararka ku toosay xal ka dayeen inay yidhaahdaan hala sameeyo Zaad-Shilling, waxay ahayd arin cajiiba oo qofkasta oo qaababka dhaqaalaha loo maamulo xitaa fikir yar ka haystaa uu ka anfariiray. Ka dib go’aankaa aan cilmiga ku dhisnayn wixii maanta ka dambeeya waxa Bangiga dhexe lala wadaagi doonaa awoodisii ugu muhiimsanayd oo ahayd inuu daabaco lacagta Shilling-ka, waxa dhici doonta in shirkadaha electronic shilinka daabaacaa marbay intay doonaan suuqa galiyaan, markaana lacagta uu bangigu daabaco iyo lacagta shirkuduhu daabacaan ayaa suuqa buux dhaafin doona, taasi waxay keeni doontaa sixir barar balaadhan oo bilaha iyo sanadaha soo socda dalka aafayn doona.

Cilmiga dhaqaalaha ee aan barto marka laga eego, sixir bararka waxa loo qaybiyaa dhowr qaybood, laakiin ka maanta horteenaa yaala waxa weeyaan, mid ay keento marka lacagtu suuqa ku badato ( increased money supply), Lacagta suuqa ku badatay ee shirkadaha iyo dawladuba suuqa ku soo dayaan waxay sababi doontaa hoos u dhaca ku yimaada qiimaha wax goynta lacagta (Purchasing Power Parity), markaa lacagtu waxay noqon doontaa faalso, gaadhi lacaga ayaa jab roodhiya gooyn waayi doona sidii ka dhacday Germany dagaalkii 2 ee adduunka ka dib.

Qiimo beelka lacagta  waxa lagula dagaalamaa siyaasad la yidhaa (Contractionary Monetry Policy), oo ah in la yeereeyo xadiga lacagta ee suuqa ku jirta. Waxa la raacaa qaaciidooyin degsan oo caana, cilmi yahanada dhaqaaluha aduunka oo dhana isla yaqaanaan. Sidaynu hada arkayno lacagtii oo markii horeba suuqa ku badnayd ayaa hadana lasii badinayaa ka dib markii shirkadaha loo ogolaaday inay shilinkii oo elelctronic ah daabacdaan.

Talaabadan maanta dawladu qaaday ee ay ugu ogolaatay shirkadaha inay electronic Shilin daabacdaan waxay dhabarka ka jabin doontaa dadka mushaharka ku qaata lacagta Shillinka Somaliland oo ay ugu horeeyaan Ciidamada iyo Macalimiintu iyo waliba dadka danyarta ah ee suuqa ka xoogsada, waxa soo galaana yahay lacag Shilina. Waxa dhici doonta waxa bisha dhan ay shaqaystaan uu goyn waayo haaf bariisa. Talaabooyinka aan aqoonta iyo garashada ku dhisnayn ee la iska qaadayaa waxay keeni doonan inuu inagu yimaado burbur dhaqaale, kaas oo keeni kara burbur bulsho iyo mid amaan daro, Sidii ninkii gabyay lahaa,

“Nin qatani nin qado haysta waa inuu ka qaadaa”.

Ugu dambayn, shirkadaha waxaan kula talin lahaa inay u tudhaan dadkan masaakiinta ee ay ka dhex shaqaysanayaan, hadii dadkan dhaqaalihiisa la burburiyo, Shirkadahani halkay ka shaqaysan doonaan, waxaan odhan lahaa, “BEEDKA CUNA OO DIGAAGADA HA CUNINA”. Dawladana waxaan odhan lahaa Mobile Money Transfer-ka dadkii soo saarayba ma isticmaalaan, intaas ayaa tusaale kuugu filan inaad khatartiisa fahamto.
Dhibaatadani waxay u baahan tahay in loo falanqeeyo sidan si ka qoto dheer laakiin qoraalkan kooban waxaan ugu talo galay in xitaa qofka suuqa iska joogaa fahmi karo dhibtu halkay ka jirto.

Xuquuqda : 

Kala soco dhowaan Bartan aqoonkaab faaido darooyinka lacagta mobilada lagu qaato ?