Follow
X
Follow
Shirkadda apple waxay ku dhawaaqday inay iibisey hal bilyan oo ka mida moobiladeeda loo yaqaan iphone . guushan usoo hoyatay apple waxay u horseedeysaa inay ku sii xoogaysato suuqa mobilada caaqilka ah ee smartphones oo dunida si aad ah hadda looga isticmaalo .
wax soo saarka shirkadda apple waxa uu suuq xoogan ku leeyahay qaaradaha yurub iyo ameerika , laakin waxa tartan xoogan kula jira dhowr shirkadood oo ay ugu wayntahay sumsung .
“Iphone ku waxa uu noqday mid ka mida wax soo saarka ugu muhiimsan kaas oo si guul wax uga bedelay dunida , wiigii u dambeeyey waxaanu gaadhnay inaynu iibino 1 bilyan oo iphone , waanu u mahacelinaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay guusha Iphone” sidaas waxa sheegey madaxa shirkadda Apple .
shirkadda apple waxa u qorshaysan inay soo saarto jiilkeeda cusub ee moobilada iphone bisha 9 aad .
Aqoonkaab