Follow
X
Follow
Waxa jira habab badan oo aad ku xulan karto kumbuyuuter ku haboon baahiyahaaga isla markaana fulin kara dhamaan u jeedooyinka aad ka leedahay . hadaba xulista kumbuyuuter kugu haboon waa arrin in badan is weydiiyn u baahan ,dadka qaar way ku khalkhalaan , qaar kalena ma gartaan kumbuyuuterki ku haboonaa
hadaba maqaalkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa talooyin ku saabsan habka ugu wanaagsan ee aad kusoo xulan karto kumbuyuuterkaaga .
- Ogow baahiyaha aad uga baahan tahay kumbuuterka : waa inaad ururisaa dhamaan baahiyaha aad dooneyso inuu daboolo kumbuterku waxa aad u muhiima inaad ogaato barnaamijyada amaba programada aad ku shuban doontid xajmigooda iyo inta ay leegyihiin .sidoo kale waa inaad ogtahay habka loo isticmaalayo iyo halka lagu isticmaalayo sida xafiis ,ama muuqaal soo saarid .
- Tixgeli maskaxda kumbuyuuterka : maskaxda kumbuyuuterka waa qaybta fulisa dhamaan howlaha iyo shaqada kumbuyuuterka , maskaxaha kumbuyuuterka way ku kala duwan yihiin xaga xawaaraha waxaana ka mida kuwa ugu caansan
- intel Dual core
- intel core i3
- intel core i5
- intel core i7
dhamaantood waxaad ku kala xulan karta ka dib marka aad jaangoysid barnaamijyada aad ku isticmaali doontid way fududaan doontaa inaad xulato maskaxda kumbuyuuterkaaga tusaale ahaan haddi kumbuyuuterka xafiis lagu isticmaalayo oo aan loo baahnayn barnaamijyo badan waxaad xulan karta DUAL CORE laakin haddi laga shaqaynayo tusaale shirkad xaga muuqaal soo saaritaanka ku saabsan waxaad u baahan doonta illaa core i5 ama core i7 .
- Tixgeli Qaybaha kale ee Ram :Ram ta kumbuyuuter ka waxa loo yaqaan kaydiyaha kumeel gaadhka ah waxa uu la shaqeeya maskaxda kumbuyuuterka sidaasi haddi xajmiga Ram ta kumbuyuuterku waynaado waxaa kordhi doona xawaaraha kumbuyuuterka , taas oo sahlaysa in shaqooyin badan kumbuyuuter qabto isla markaana uu fududaado . inta badan kumbuyuuterada dambe waxa la socda Ram 4 GB ah taas oo aad u fiican laakin haddii kumbuyuuterka aad ku qabanayso shaqooyin badan amaba aad ku shubayso barnaamijyo badan waxa haboon inaad kordhiso xajmiga qaad ee ram .Ram ta kumbuyuuterada waxa gaadhi karaan 4 GB ,8GB ,16GB ,32 GB .
- Si fiican uga fiirso bayteriga kumbuyuuterka : nolosha bayteriga kumbuyuuterka waa qaybaha ugu muhiimsan ee aad ku xulan karto kumbuyuuterkaaga laptop ka ah . labtonada dambe qaarkood nolosha bayterigoodu waxa uu gaadha illaa 8 saac amaba 9 saac
- Hardisk (xajmiga Kaydin ee kumbuyuuterka ) : xajmiga qaad ee kumbuyuuterku waa qaybaha ugu muhiimsan ee lagu xulan karo kumbuyuuter , waxaanay xidhiidh la leedahay xogta aad doonayso inaad kaydiso , haddi aad ogtahay inaad kaydinayso xog badan waxa haboon inaad xulato kumbuyuuterk leh kayd badan amaba Hardisk badan , kumbuyuuterada dambe xajmigooda kaydin waxa uu gaadhaa ilaa 500 gb amaba 1TB
XUQUUQDA : AQOONKAAB.COM
LAGANA SOO XIDHIIDH : INFO@AQOONKAAB.COM