Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Sidee finanka looga hortagi karaa loona dawayn karaa

Sidee finanka looga hortagi karaa loona dawayn karaa
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Maqaarka ayaa leh godad yar yar oo daloola leh oo ay xiri karaan saliid, bakteeriyo iyo wasakh.Marka ay taasi dhacdo oo maqaarkaaga si joogta ay arinkaan u qabsato waxaa kaa soo baxaya finan. Finanka waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qabsada maqaarka.Inkastoo ay finanku ahayn xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa  lakiin ay noqon karto xaalad xanuun daran hadii ay darsato, waxa ayna sababi kartaa dhibaato maskaxeed .Finanka oo ka soo muuqda wajiga waxay hoos udhigi karaan kalsoonida qofka ,muddo kadib,waxayna sidoo kale keeni kartaa nabaro joogto ah.Nasiib wanaag waxaa jira dawooyin wax ku ool ah kana hortagaya nabara muuqda.

Waa Maxay Astaanta Finanka?

Finanka waxaa laga heli karaa meel kasta oo jirkaaga ah. Inkastoo badana ay ka soo baxaan wajiga, qoorta, xabadka, iyo garbaha. Haddii aad leedahay finan, waxaa dareemeysaa in finanka ay caadi ahaan yihiin caddaan ama madow muuqaalka. Labada dhulluxyo madax madow iyo dhulluxyo madax cad. Dhulluxyada madaxa madow waxay u  furan yihiin dusha sare ee maqaarka. Dhulluxyada madaxa cad way ka xiran yihiin dusha sare ee maqaarka, iyaga oo la siinayo muuqaalka cad. Iyadoo dhulluxyada cad iyo dhulluxyada madow ay  yihiin noocyada ugu badan ee finanka.

Maxaa sababa Finanka?

Finanka waxay soo muuqdaan markii daloolada jirka ay xiraan saliid, bakteeriyo iyo wasakh.Majiro wax qaas ah oo keena finanka,isbedelka hoormoonka sida kuwa waqtiga baaluqa iyo uurka ,malah door bay ka ciyaaraan.waxaa jira khuraafaad badan oo ku aadan sabata keenta amaba keeni karta finanka iyo nabro inay kazoo baxaan wajiga. Inta badan waxaa la eedeeyaa cunooyink sida shukulaatada iyo kuwa saliida leh. Si kastaba ha ahaatee finan madax madow iyo kuwa wasakh ah kuli waxay soo baxaan markii duleelada maqaarka ay xirmaan, Walwalka iyo walaacu ma keeno finan, laakiin waa kaga sii dari karaa.

Sidee Guriga Loogu Daryeeli Karaa Finanka?

Waxad isticmaali kartaa mudaawaad badan si nabraha loo baabi’iyo isila markaana finanka laga taqaluso. Waxaad sameynkartaa sida tan:

  • Nadiifi maqaarka maalin walba oo ku nadiif saabuun khaqiif ah si aad u saarto saliida xad dhaafka ee saran dusha maqarka.

  • Ka foogoow koofiyadaha iyo duubabaka dhagan

  • Yareey amaba ka dhowr gacantaada wajiga

  • Si joogto u nadiifi tintaada

  • Ha taaban finanka maadama ay tani sababi karto faafida bakteeriyada iyo saliida

Sidee finanka Looga Hortagi Karaa?

Way adag tahay in laga hortago amaba la xakameeyo faafida finanka,si kastaba ha ahaato waxaad sameyn kartaa sidatan si aad uga hortagtid:

  • Ku dhaq wajigaaga labo jeer maalintii maado aan lahayn saliid

  • Nadiifi maqaarkaaga si fiican intaadan sariirta aadin

  • Qubeys jimicsiga ka dib

  • In laga fogaado dhar jirka ku dhagan

Cabdilaahi Cabdi Muuse ( shicib )

0634381175/ 0659315483