Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Sidee ayaad noloshan ugu guuleysan kartaa talooyin muhiima

Sidee  ayaad noloshan ugu guuleysan kartaa  talooyin muhiima
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

shaki kuma jiro inay jiraan arrimo aad u baahan tahay si aad nolosha ugu guuleysatid.arrimahani waxay ku xidhan tahay rabitaankaaga inaad xaqiijiso shay noloshaada ku saabsan .

suurto gal maaha inaad nolosha ku guuleysatid adiga oo aan qaadin talaabooyin dhowr ah isla markaana aan samayn arrimo muhiim u ah inaad guuleysato.

markaad noqoto qof guuleystay waxaad awoodaa inaad RAAD ka tagto noloshaada ka dib .raadeynta wayni waa waxa kaa soocaysaa dad ka kale guushani waxay siyaadinayaa noloshaada maadaama aad noqonayso qof lagu daydo oo talaabooyinkii uu raaci jirey la raaco .

hadaba arrimahan ayaa kuu sahlaya inaad noqoto qof noloshan guul ka gaadha

waa inaad ku dhiirataa hamigaaga inaad u bedesho ficil adiga oo aan baqayn.

Subixii waqti hore toos si aad u awoodo inaad gaadho u jeedooyinkii aad go’aansatay maalintaas oo dhan .

baro sidaad u daweyn lahayd arrimaha caafimaaad ee degdeg ah taas oo aad ku baran kartid gargaarka deg dega ah .

baro sidaad u noqon lahayd hogaamiye wax ku ool ah ,si aad u awoodo inaad maamusho arrimaha ku saabsan noloshaada.

isku day inaad tijaabiso arrimaha aad u malanayso in aanad qaban karin . tani waxay kordhinaysaa awoodadda maskaxeed .

si joogto ah u horumari xirfadahaaga .

Fiiro gaar ah u yeelo markaad ka jawaabayso su’aal aanad garanayn. waxa kugu waajiba inaad si maskax ay ku dheehan tahay uga fekerto , si aanad u eekaan qof jaahila.

8.waa inaad cudurdaar sameysaa markaad qof ku khaldan to iyo markaad arrin ku fashilanto .

waxaad u nugushahay inaad khaldanto laakiin muhimadu waxay tahay inaad barato khaladaadkaaga kana faaideysatid .

waa inaad iskudeyga ku celcelisaa ,ha ku quusan fashilka iskudeyga koowaad ,ku celcelinta ayaa guusha ku gaadhsiinaysaa.

baro sida aad shaqadaada ugu dhamaystiri lahayd si dhakhso ah iyo waqtigii aad u cayintay.

waa inaad fulisaa balamada aad ballan qaado hana burin .

baro sidaad u noqon lahayd qof ka masuula ficilada uu sameynayo gaar ahaan marka ay dhibi jirto .

ugu dambayn waa inaad xadidaa u jeedooinkaaga isla markana aad ogaataa waxyaabaha ku qabsoomay iyo waxa aan kuu qabsoomin ,ogow arrimaha qaarkood bilowga waxa u eg yihiin qaar adag laakiin marka aad u dhawaato oo aad isku deydo waxa hubaala inay fududaanayaan .

xuquuqda : aqoonkaab

emailka :info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


One thought on “Sidee ayaad noloshan ugu guuleysan kartaa talooyin muhiima

Leave a Reply

Your email address will not be published.