Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Soomaalidu maxay iga baran karaan?

Soomaalidu maxay iga baran karaan?
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

“Noloshu maaha uun buug iyo qalin balse waa waayo-aragnimo iyo xirfad”

Waxaan ahaa wiil muruq-maal ah noloshiisuna iskoris u badnayd. yaraantaydii waxaan Jeclaa kali nolaanshiyaha iyo inan ka gaar ahaado qoyskayga waalidkay marna muu jeclayn inaan yaraanta ku bilaabo shaqooyinka waayo waxay ahayeen kuwo hiil iyo hooba ila garabtaagnaa dhan kastoo nolosha ahna iga buuxiyey laakiin anaa Jeclaa taasi .waxaan ku soo barbaaray noloshaa, waxbarashadaydii yaraan taan ku laabay anigoo ka saaqiday Aabo markuu igaga quustay arkayna inaan ka dhaga Adagahay farahuu iga qaaday laakiin hooyaday wali kamay rajo dhigin waxay niyadda u sheegtay inay maalin uun arki doonto wiilkeedii oo ku soo laabtay gacanteeda. Waanooyinka hooyo Cadar waxay ahayeen kuwo markaan xasuustaba boogo waawayn oo qalbiga ku yaalaa I danqada .ma dhaadsanayn samaha iyo wanaagga waalidkay iigu yeedhaayey ilaa waa danbe.

Waxaan ka dhacay waxbarashadaydii aasaasiga ahayd anigo isla markaaba ku biiray xoogsatada iyo muruqmaalka magaalada aragtidaydii gaabnayd na hirgaliyey Anigo si toos ah uga go’ay qaraabadii iyo walaalahaygii aanu isku meel ku soo barbaarnay .waxaan yeeshay asxaab iyo qaraabo kale oo shaqadan adagi na mataanaysay .

Wacyiga iyo duruufaha i haystay waxay noqdeen kuwo  aad u saameeyay shakhsiyadayda Waxaan talaaba talaabo u bilaabay balwadaha noocyadeeda kala duwan lacagta isoo gasha uma maamuli jirin sida saxda ah.

Haa waan jeclaa inaan hore u socdo marba talaabo hore u qaado. Anigoo taa xaqiijinaaya waxaan ka fakaray inaan horumariyo xirfadahayga shaqo maadaamo aan tuuray buugga iyo qalinka maanta dunidu ku badhaadhay .Hilaadii meel laba talaabo u jirta cawayska aan ku la caweeyo asxaabtayda waxaa ahayd goob lagu barto farsamada gacanta si dhakhasa ah .waxaan go’aan ku gaadhay inaan bal goobta iyo waxa lagu bixiyo ka wardoono .maxadku waa goob lagu barto Farsamooyinka gacanta caynad kasto ay  leedahy hadaad nasiib u yeelato inaad ka qalinjabiso waxaad si yaroo fudud ku heli kartaa shaqo aad u wanaagsan mushahar Fiicanna leh sidaa waxaa igu qanciyey inan dhalinyaro ahayd oo xafiiska soo dhawaynta bulshada fadhiday .Si dhakhso ah ayaan isu diwaan galiyey dugsiga barashada farsamooyinka gacanta .In muddo ah hadaan dhigtay maxadka waxaa si heer sare ah u kordhay xirfadahaygii shaqo .6 bilood kadib waxaa soo dhawaatay maalintii qalinjabinta balse laba caanamaal ka hor waxaa si mugwayn ii waraystay  maamulihii maxadka waxaan la wadaagay noloshayda iyo mugdiyadii i soo maray wuu igu dhiirigaliyey iina sheegay inaan guul ka gaadhi doono .intaan ku guda jiray barashada maxadkaa waxaa codsiyo doora ii soo diray qaar ka mid ah warshadaha yar-yar ee magaaladda si aan uga shaqeeyo markaan dhamaysto tababarkan .

Maalintii qalinjabinta waxaan usoo diyaar garoobay si soo jiidasho leh anigo iska jafay dayacii iyo darxumadii aan caanka ku ahaa .subaxaa waxaan ku labistay  suudh madow oo midka mid ah asxaabtayda aan ka soo toobalcaaraystay .intaan sii socday jidka indhaha dadka aad baan u soo jiitay qaarkoodna waxay iswaydiinaayeen su’aalo aan xanshaashaqoodaa hoos u maqlaayey ‘’waar ninkii Muumin saaka maxaa loo sheegay ma sidan buu dharka ugu bilaa” umaan joojin kalmadohoodaa waxaan si nabadqab ah ku gaadhey madasha xafladda qalinjabintu ka dhacaysay waa madal si mugwayn loo soo camiray dad ixtiraam ku leh bulshada sida waayeel,wadaado iyo aqoonyahanka bulshadu leedahay habeenkaa way nala caaweeyeen si ay noola qaybsadaan farxadayadan curdinka ah sidoo kale xafladda waxaa joogay ganacsatada waawayn ee waddanka .cawaysin wanaagsan kadib waxaa lagu dhawaaqay ardayda dhamaysatay barashada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta .waxaa dhammaantayo lanagu taxay bilado iyo shahaadooyin cadayn u ah waxaanu dhamaysanay.isla goobtii xafladda ganacsatadii waxay tartan u galeen una kala hordheereeyeen annaga, habeenkaa waxaa nalooboobay  sida lacag laga helay waddo.

Waa habeenkaan garwaaqsaday inaan bulshada dhexdeeda qiimo iyo karaamo ku leeyahy kagana qiimo waynahay ardayda jaamacadaha sanad kasta dhamaysa. Waxaa I galay rajo iyo mustaqbal qurxoon .

Isla habeenkaa aniga waxaa I qaadatay mid ka mid ah shirkadaha ugu qiimaha iyo magaca wayn waddanka .waxaa laygu bilaabay mushahar 5 goor ka badan noloshayda caadiga ah. Isabadalkaa noloshayda wuxuu iga saameeyey dhan kasta marka la eego .Haddaan hore u ahaa balwad yaqaan maanta waxaan ahay muslix yar oo aan aqoonba waxay tahay .waxaa sidoo kale wanaagsanaaday xidhiidhkii naga dhexeeyey aniga iyo khalqiga Ilaahay sarreeyey ,xidhiidhkii bulshada.

Waalidkay waxaan u qoray Biil iyo nafaqo ku filan iyaga iyo caruurta ducana way ii xanbaariyeen.

Laba sano kadib waxaan guursaday xaaskayga Ubax oo laba caruura iigu   curatay ,kumaan joogin booskii shaqada laygu bilaabay imika waxaa lay magacaabay agaasimaha guud ee dugsiyada farsamada gacanta ee waddanka .

Sidoo kale waxaan leeyahay xaruun la talisa ardayda jaamacadaha waddanka dhammaysay kuna boorisa inay badiyaan xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta.

Manta waxaan ku noolahay waddankayga hooyo aniga oo barwaaqo iyo nabad ku maala.

Nuxurka sheekada.

Sheekadu waa malaawaal balse xikmad badan xanbaarsan

Sheekadan waxaynu ka faaidaysanaynaa?

1.In xirfada si fudud shaqo loogu helikaro

  1. Qofka bani aadamka ah inuu isbadal samayn karo

  2. Barashada xirfadu inay ka muhim santahy kana waxtarbadantahy ardayga jaamacada dhamaystira.

Hal-abuurka sheekada :Bilaal axmed cige

Bahda aqoonkaab




Leave a Reply

Your email address will not be published.