Search
Tuesday 11 December 2018
  • :
  • :

Sooyaalka Iyo Xaqiiqada jamaacada saadicuuna bil xaqi

Sooyaalka Iyo Xaqiiqada jamaacada saadicuuna bil xaqi
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Maxaad ka taqaan koox diimeedka saadicuun bilxaqi
Sooyaalkii kooxda saadicuun bil xaqi
Ka dib markii wadamada muslimiintu ay yimaadeen gumeystayaashii reer yurub , waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ahaa waxaana hormuud ka ahaa xarakooyin muslimiin ah , waxaanay dagaal adag la galeen gumeystihii .
ka dib markii gumeystihii u caddaatay inaanay suuro gal ahayn inuu sii haysto wadamada muslimiinta waxa uu go’aan ku gaadhay inuu isaga baxo isla markaana uu xukunka uga tago rag muslimiina oo gumeystuhu tababaray .
xilligaas wadanka masar waxa laga aasaasay xarakada ikhwaanul muslimiin taas oo u jeedadeedu ahayd inay la dagaalanto gumeystihii .
ka dib markii gumeystihii ka baxay masar waxa uu xukunka uga tegey koox uu isagu tababaray kooxdaasi markiiba waxay is khilaafeen ikhwaanul muslimiin . dagaal ka dib waxa la xoog laga roonaaday kooxda ikhwaanul muslimiin isla markaana waxa xabsiga loo taxaabay xubnihii ikhwaanul muslimiin . ka dib waxa ka bilaabmay jeelka dhexdiisa in lagu falaqeeyo sababta xabsiga loogu taxaabay iyagoo muslimiina , koox ka mida ikhwaanul muslimiin oo dhalinyaro ahayd waxay iska dhaadhiciyiin in sababta loo xidhayaa ee loo cadaadinaya ay tahay diinta islaam, waxaanay is weydiiyeen xukunka masaarida xidhxidhay .
waxaanay isla qaateen in ragaas xidhxidhay ay gaalo yihiin . muddo ka dib kooxda ikhwaanul muslimiin waxa loo soo bandhigey inay taageeraan xukuumada masar isla markaana jeelasha lagii sii daayo , ikhwaankii wuu qaatay taladaa waxaanay go’aan ku gaadheen inay taageeraan xukuumada masar . laakiin dhalinyartii kale waxay sheegeen in xukuumadaasi gaalo tahay isla markaana aanay banaanayn in la taageero . halkaa jeelkii waxa ku hadhay kooxdii dhalinyarta ahayd oo uu hogaaminayay wiil 23 jir oo ka takhasusay culuumta beeraha . jeelka dhexdiisa fikirkii waa uu ku sii faafay waxaanay isla qaateen in shacbiga xukuumadaas adeeca gaalo yihiin xataa ikhwaankii waxay ku sheegeen gaalo .
muddo ka dib raggii waa la soo daayey iyagoo aaminsan in dadka oo dhami gaalo yihiin . waxay isku dayeen inay fikirkii faafiyaan laakiin way u suuro geli wayday sababtoo ah xukuumada masar oo cadaadis ku haysay sidaasi daraadeed waxay go’aansadeen in si sir ah fikirkii ku faafiyaan isla markaana wadanka masar ka gudbo , waxaanay beegsadeen ardayda waxbarasho u imanaya jaamacadaha masar sida jaamacada ashar oo ka mid ahaa meelaha ugu waxbarasho wanaagsan .

Soo gaadhitaankii deegaamada soomaalida
fikirkii waxay ku faafiyeen dhalinyartii masar u waxbarasho yimi waxaana la aaminsan yahay in sidaasi uu ku yimi deegaanada soomaalida waxaana keenay dhalinyartii masar wax barasho u aaday .
markii u fikirka yimi deegaanada soomaalida dhalinyartii fikirkaa qaadatay waxa ka horyimi carqalado badan maadaama ay dadkii oo dhan ku xukumeen gaalo waxay go’aansadeen inaanay waxba la cunin , la tukan , la noolaan waxaanay go’aansadeen inay aadaan xeebaha si ay u dabtaan kalluunka , quudka keliya ay ku noolyihiin waxa uu noqday kalluun iyagoo gooni u go’ay , muddo ka dib markii ay ku noolaayeen noloshaa adag qaar ka mida dhalinyartii waxay sheegeen inaanay sidan u noolaan karin halkaa waxa ku kala jabay kooxdii dhalinyarta ahayd ee aaminsanayd in dadka oo dhami gaalo yihiin waxaanay noqdeen
b. qolo ku adkaysata inay gooni weligood u noolaadaan qoladaasi waxa la yidhaahdaa (TAKFIIRIYIIN ) iyaguna waxay isu yaqaanaan jamaacatul muslimiin .
t. qolo ka tanaasushay inay gooni u noolaadaan waxaana loo yaqaan (TAKFIIRIYIINKA AAMUSAN) iyaguna hadda ayay isku magacaabeen SAADICUUN BIL XAQ.
Qoladii takfiriiyiinta (jaamacatul muslimiin ) way sii wadeen fikiroodii waanay muujisan jireen ragoodu waa rag khamiisyo xidhan oo gadh leh , dumarkooduna waa dumar xijaaban oo naqaaban. xaruntooda u wayn waxay ku leeyihiin magaalada qardho waxaana u jooga amiir qora buugaagta gaalaysiinta muslimiinta sidaasna waxa looga dhigaa caruurta . xarunta kale oo wayn waxay ku leeyihiin magaalada Burco waxaanay ku leeyihiin markas waxbarasho iyo masaajid , markaska waxbarasho uma ogola ciyaalka jooga inay cunaan hilibka guryaha looga keeno maaadaama ay aaminsan yihiin inuu qalay gaal . dumarka wax ka barta waxay u sheegaan in xaaraan lagu qabo carruurta ay dhaleen qarac yihiin ay waajib tahay in ninkooda dib loogu meheriyo . mushaharka dawlada waa xaaraan cad.
Qoladii takfiiriyiinta aamusan (saadicuuna bil xaq) qoladani waxay go’aan ku gaadheen in la noolaadaan ummada si caadiya laakin qalbiga laga diido maadaama ay gaalo yihiin ,waxay xidhan jireen dhar caadiya , gadhkana way xiiri jireen fikirkooduna waxay ku faafiyaan si sir ah waxaanay is tuseen in dacwada islaamka ay u bilaabaan sidii rasuulku (scw) u bilaabay oo ahayd si sir ah . ragii dhalinyarada ahayd waxay dhex galeen shacabkii iyaga oo aan laga dareemayn waxa bilaabeen waxbarashada maadiga ah sida injineerinka , beeraha, ganacsiga . muddo ka dib waxay noqdeen rag ganacsato ah , professoro ah oo jaamacadaha wax ka dhiga , injineero ah welina fikirkooda way qarsan jireen lagamana dareemi jirin.

Soo shacbixii takfiiryiinta aamusan (saadicuuna bil xaq)
ka dib 40 sano (sawiro ragii dhalinyarada ahayd inta ay jiraan 40 sano ka dib ) waxay is tuseen in dacwadii ka baxday xiligii sirta ay ahayd isla markaana la gaadhay xilliga la cadayn lahaa dacwadda sidii uu rasuulku (Scw) yeelay , waxaanay si badheedh ah ugu dhawaaqeen jaamacada saadicuun bil xaq (kuwii xaqa ku dhawaaqayay ) magacan waxay ka keeneen aayada quraanka ee rasuulka (scw) lagu amrayey in dacwadda kor loo qaado (FASDAC BIMAA TU’MAR) markiiba waxay cadeeyeen fikirkoodii ay kala sinayeen saaxibadoodi Takfiiriyiinta waxaanay ummada muslimiinta ugu baaqeen in alle keliya caabudaan , dastuurka iyo barlamaanku daaquud yahay , dimuqraadiyadu daaquud tahay oo ilaahay xukunkiisa lala wadaagayo . ragii ku dhawaaqay waxay ahaayeen rag ku labisan koodhadh iyo suudh badankoodu gadhku u xiiran yahay wax dhalinyar ahna kuma jirto , waaba rag caana oo bulshada magac ku leh .
Qorshayaasha kooxdan saadicuuna bil xaq .
kooxdani hadda waxay bilaabeen in dacwadoodii ku fidiyaan baraha bulshada si ay u kasbadaan dhalinyaro firfircoona maadaama iyagu hadda waynaadeen . waxay sheegeen inaanay hadda dagaal diyaar u ahayn oo jaanis ka iyo duruufuhu u saamaxyn maadaama aanay jirin dawlad islaami . waxa kale oo ay sheegeen inaanay ku tanaasulayn jihaadka alle sidaasi daraadeed waxa cad inay hadda ku dedaalayaan sidii ay u samayn lahaayeen dawlad islaami ah ka dib ugu dhawaaqi lahaayeen dagaal ka dhan ah madaxda iyo shacabka muslimiinta ah .
MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN HADDA SAADICUUNA BIL XAQ IYO JAMAACATUL MUSLIMIIN ?
midh kuma kala duwana labadooduba hadda warkooda way caddeysteen waxa u hadhay inay isu yimaadaan oo dawlad slaami ah wada dhisaan hal amiirna yeeshaan .
MAXAY KAGA DUWAN YIHIIN ALSHABAAB?
Fikirka gaalaysiinta way ka siman yihiin laakin waxay ku kala aragti duwan yihiin keliya waqtiga ay bilaabayaan dagaalka , waxaanay alshabaab u arkaan koox ku degdegey dagaalka oo bilaabay waqtii aan diyaar loo ahayn .
KOOXDAN MALA DHAYAL SAN KARAA ?
maya , kooxdan la yaraysan karo waayo hadda waa koox haysata dhaqaale wanaagsan oo 40 sano ay urusanayeen waxa ka dhiman kooxda waa dhalinyar firfircoon oo derder gelisa hawlaha jamaacada .
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA ?
ragan saadicuuna bil xaq waxa keliya oo lagu horjoogsan karo waa in dhalinyarta looga digo ragaas oo aan hadda dhalinyar gacanta ku hayn , awooda dhalinyarada ayaa ah waxa keliya ee ay hadda ku dadalaayaan sidii ay u heli lahaayeen sidoo kale kooxda takfiiriyiinta ee burco carruurta wax ku barta waa in si degdeg ah tallaabo looga qaado reer burco badankoodu way wada yaqaanaan sidaasoo ay tahay waxaa ka barta carruur iyo dumar badan halkaasna wax ka soo fool leh khatar aan la dhayal san karin .
GEBO GEBO
kooxdan iyo kooxaha kale ee la mid ka ah waa kooxaha ka tafiirmay khawaarijta waa fitno islaamka ku dhex jirta , qofka muslima waxa ku waajiba inuu ka fogaado kooxaha noocan .kooxahani way jiri doonaan illaa ka soo dhex muuqdo Dajaal cawar.
Macluumaad intaa dheer fadlan dhagayso muxaadirada shiikh umal iyo shiikh cabdulaahi barbaraawi ,
waxa qorey : maxamed maxamuud



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .