Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Sooyaalka maalinta shaqaalaha Adduunka 1May

Sooyaalka maalinta shaqaalaha Adduunka 1May
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Sidee ayay ku bilaabantay Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May?
Kowda May ee sannad kasta, waa maalin loo aqoonsaday inay noqoto maalinta shaqaalaha Adduunka.
Maalintan waxa la xusaa oo la xasuustaa shaqaalihii xoriyadda iyo xuquuq doonka ahaa.
1869, shaqaale ka shaqeyn jiray warshad dhar oo ku taalay Philadelphia, Maraykanka iyo kuwo kale oo shaqaale ka ahaa wershad kabaha sameysa iyo shaqaale ka shaqeeya dhuxusha la qodo ayaa kulan ay isugu yimaadeen, waxa ay sameysteen urur ay ugu magac dareen Halyeyda Shaqaalaha, ururkaas oo ay ugu talo galeen in uu u doodo xuqooqdooda, una heli lahaayeen mushahar ku filan iyo inay shaqeeyaan saacado cayiman. Kadib waxa ay fikradaas u gudbyeen oo ay ku dhawaaqeen 1886-kii, ururkii shaqaalaha Maraykanka, waana ururkii 1-dii May 1886-kii ku talaabsaday shaqo joojin.

Iyaga oo dalbaday in ay wakhtigaa shaqada lagu soo kobo 8 saacadood oo kali ah, 1-dii 1886-kii waxa mudaharaad ku talaabsaday shaqaalihii magaalada Chicago, iyaga oo 3-dii May-na ku dhaqaaqay shaqo joojin, taas oo horseeday inuu dhinto mid ka mid ah shaqaalahaas iska horimaadkii dhex maray Booliska iyo shaqaalahii mudaharaadayey.

4-tii May isla sannadkaas kulan ay yeesheen shaqaalahaasi ayay ku diideen falalkii Boolisku kula dhaqmay, kadibna wax cirka isku shareeray iska hor imaadayado u dhaxeeyay Booliska iyo shaqaalaha, arrintaas oo horseeday inay ku dhintaan 4 ka mid ah shaqaalahaasi iyo 7 Askari oo Boolis ah, markaa kadib waxa shaqaalaha lagula dhaqmay in la cadaadiyo, guryahooda la baadho, isla markaana la xidh xidho hogaamiyayaashoodii.

Maalintii 1-dii May 1886-kii, waxa dhacay 500 oo jeer oo shaqo joojin ah, waxaana ka qeyb galay ilaa 340,000 oo qof, kuwaas oo ahaa shaqaalihii doonayey xuquuqdooda.
Hadalkii ay ku dhawaaqayeen waxa uu ahaa “maanta 1-da May 1886, xaq nalooguma laha in aanu shaqeyno 8 saacadood wax ka badan”.

Sannadihii xigay 1889 ilaa 1890 mudaharaadyadii ka dhacay Maraykanka waxay u gudbeen qaaradda Yurub, halkaas oo ay ka dhaceen banaan baxayo joogto ah oo lagu doonayey xaqqa iyo xuquuqda shaqaalaha, wakhti yar ka dib waxa loo aqoonsaday 1-da May sannad kasta inay noqoto maalinta shaqaalaha Adduunka.

Inkasta oo la sameeyay ururo iyo shuruuc u gaara shaqaalaha, hadana wali caalamka waxa ka jira shirkado iyo hantiilayaal doonta shaqaale oo baahan waxay doonaana siiya, arrintaas oo loogu magac daray “Cheap Labour” oo loola jeedo shaqaale jaban ama ganac jaban.
Sharciga dhabta ah waa damiirka dadka loo shaqeeyo oo hadba sida uu u noolyahay ku xidhan tahay inuu garto xaqqa lagu leeyahay iyo xaqqa uu leeyahay sida oo kale waxa iyaguna jira shirkado iyo maal qabeeno gartay shaqaale tayo leh oo la helo iyo iyaga oo la wanaajiyo horumar dhab ah horseeda in lagu talaabsadaa.

Bilgates oo ah mulkiilaha shirkadda Microsoft ee dalka Maraykanka iyo Japan, shirkadahaa waaweyn ee ku yaala dalka Japan waxa ay ku horumareen waxa ay ogaadeen in aanuu qofka shaqaalaha ah ku filneyn mushahar kali ah, waxa ay soo rogeen hal ku dhig odhanaya “aynu irmanka dhigano in qofkasta lagu qiimeeyo shaqadiisa iyo wax soosaarkiisa” waxay ogaadeen marka lagu abuuro qofkaiyididiilo inay arrintaasi keenayso inuu ilaaliyo meesha uu ka shaqeeyo iyo isaga oo mar kasta ka fekara qofka horumarkeeda.

Weynu wada leenahay ee aynu wada hagaajisano, isla markaana kala soo baxno waxa aynu u baahanahay ayaa horumar lagu gaadhaa.
Maanta shirkadaha waaweyn ee caalamku waxay wax gashadaan oo ay mushahar u sii qoraan Ardayda Jaamacadaha dhigata kuwooda ugu aqoonta sareeya iyaga oo la siiyey balan qaad inay la shaqeyn doonaan marka ay waxbarashadooda dhameystaan.
Shaki kuma jiro marka ay Ardayga wanaagsan waxbarashada laga taageero, marka uu dhameystana ogyahay in shaqo la siinayo in aanuu isaguna waxba la hadhayn dhinaca dadaalka iyo daacadnimada marka uu shaqo tago.

Shaqaale jaban oo xuquuqdooda la dayacaa waxay horseedaan horumar la’aan maxaa yeelay? Shaqada wanaagsani wxay ku timaadaa niyadda wanaagsan, qof kasta oo shaqaale ah waxa xaq loogu leeyahay 8 saacadood inuu shaqeeyo, wixii dhaafsan haddii uu shaqeeyana waxa uu leeyahay shaqo dheeraad ah (Over time) oo uu shaqeeyay, waxa wanaagsan in qof kasta oo shaqaale ah xaqiisa loo dadajiyo oo la siiyo dhididkiisa kahor in aan loo dirin shaqo aanuu garaneyn, sidoo kale waxa loo baahan yahay in aan laga faa’iidaysan qofka baahidiis

Hay’adaha shaqaalaha iyo xukuumadaha waxa looga baahan yahay inay daryeelaan dadka shaqaalaha ah kuwaaanshaqo hayna inay ugu
sidii ay ugu fikiri lahaayeen xalna ugu raadin lahaayeen shaqo la’aantana looga saari lahaa

W/Q :Bilaal axmed Cige

 




Leave a Reply

Your email address will not be published.