Follow
X
Follow
Maalinta ciida waa maalamaha farxada leh ee u gaar ah umadda muslimiinta , sidaasi daraadeed waxaanu jeclaysanay inaanu idinla wadaagno edaabta iyo sunayaasha maalinta ciida.
sunayaasha iyo edaabta ciida waxa ka mida :
1. Takbiirta :takbiirta oo la bilaabo habeenka ciida illaa salaadda ciida ka dib
(Allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar ………… )
2.inaad ku lebisato dharkaaga ugu qurxoon amaba haddaad awoodo dhar cusub.
3. Inaad sii qubaysato , isla markaana aad isa sii udgoonaysiiso .
4. inaad sii cunto Timir ka hor intaanad u bixin salaadda ciida .
5. in lagu tukado goob barxad ah oo bannaan .Rasuulku (scw) salaadda ciida kumuu tukan jirin masaajidka
ee goob bannaan ayuu ku tukan jirey . si loo muujiyo iftiinka ,tirada,farxadda muslimiinta.
6. marka aad aadayso salaadda ciida iyo marka aad ka imanayso laba dariiq oo kala duwan mar.
7. dumarka iyo carruurtuba waa inay ka qayb galaan salaadda ciida waxa xusid mudan in salaadda keliya ee dumarka lagu waajib yeelay inay ka qayb galaan ay tahay salaadda ciida.
8. inaad dhagaysato khudbada salaadda ciida isla markaana aad gudato salaadda ciida .
9. inaad asxaabtaada , ehelkaaga iyo ummadda waynaha kale ee muslimiinta aad ugu hanayso ,hambalyeyso munaasibada salaadda ciida
shabakadda aqoonkaab waxay ugu Hambalyeynayasaa dhamaan ummadda muslimiinta munaasibadda ciida awgeed ciid mubarak ilaahay ha inaga aqbalo acmaashii saalaxa ahayd ee bisha barakaysan ee ramadaan
xuquuqda : Aqoonkaab.com