Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Taariikh nololeedkii Yacquub isxaaq Al-kendi

Taariikh nololeedkii Yacquub isxaaq Al-kendi
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Yacquub isxaaq Al-kendi; waxa uu ka mid ahaa falaasifadii dhagax-dhigay aqoonta falsafadda islaamiga ah.waxa uu ka mid yahay aqoon-yahannadii darsay falsafaddii Giriigga ee Aristotle,balaato iyo Socrates isla markaana soo eray-tebiyay,waxna ku soo kordhiyay aqoonta iyo cilmiga falsafadda.Al-kendi  culuum badan ayuu darsay oo ay ka mid tahay falsafaddu,miyuusikada,xisaabta iyo culuumta dabiicadda. Cilmiga barashada tamarta iyo maatarka (physics) iyo xiddigiska. Al-kendi waxa lagu tilmaama inuu aas-aasay miyuusikada carabta.

Al-kendi waxa uu dhashay  185 markay taariikhda Hijrigu ahayd oo waafaqsan  805 ee tirsiga miilaadiga.waxa uu ku dhashay magaalada Kuufa ee waddanka Ciraaq ka tirsan hadda,waxa uu aabbihii ahaa amiirkii kuufa  ee khilaafadii cabaasiyiinta,waxa taariikhdu qortay in Al-kendi u Quraanka xifdiyay iyo xaddiiska wax ka mid ah markay da’adiisu ahayd 15 jir.

Ka dib,markii uu aabbihii geeriyooday ,waxay hooyadii ula soo guurtay magalaada Basra ee waddanka ciraaq ka tirsan halkaas oo uu ka sii watay waxbarashadiisi gaar ahaan falsadda giriigga.3 sano ayuu joogay Yacquub Al-kendi magalada Basra isago la kulmay dadkii aqoonta lagu tuhmayay.

Yacquub Al-kendi isaga iyo hooyadii waxay u soo wareegeen magalaada baqdaad oo ahayd wagaas xarunta cilmiga iyo aqoonta ee adduunka.Al-kendi waxa uu bilaabay inuu  aqoontisa si wato isagoo boqaan jiray,wakhtigiisa badan kiisana ku qaadan jiray rugtii kutubta ee laga magacaabi jiray Baytul Xikma   oo uu sameeyay khaliifkii dawladdii cabbaasiyiinta ee Haruun Al-Rashiid,rugtan oo uu sii casriyeeyay wiilkiisi  Ma’amuun.

Al-kendi waxa uu awoodda saari jiray inuu akhristo buugta laga soo eray-tebiyay afafka Giriigga,Persia ama faaris (Iran)  iyo afka Hindiga  ee culuumta kala duwan,Al-kendi si uu  awood ugu yeesho inuu akhristo  buugta ku qoran afafka kale gaar ahaan Girriigga iyo afka saryaaniga,waxa guriga ugu iman jiray laba macalin oo bari jiray afka Giriigga iyo saryaaniga isagoo ku bartay 2 sano gudahood.

Al-kendi markuu ku guulaystay  yoolkiisi ahaa inuu barto afafka kale  si uu u akhristo buugta ku qoran afafka qalaad isla markaana u eray-tebiyo.waxa uu samaystay koox gaar ah ,waxa kale oo uu aas-aasay  dugsi wax lagu eray-tebiyo (tarjumad) isago oo raaci jiray hab iyo asluub ilaalinaya xuquuqda qoraaga iyo fikirkiisa.

Al-kendi waxa uu aasaasay rugta kutubta ee lagu magacaabi jiray  Al-xikma ,rugtan oo ay dadku soo booqan jireen si ay wax ugu akhristaan ,waxa kale oo wax ugu dhigi jiray ardaydiisa.yacquub Al-kendi waxa uu noqday aqoon-yahan caan ah isago 25 jir ah oo aad loo tixgeliyo aqoontisa iyo cilmigiisa.waxa uu saaxiib la ahaa khaliifkii dawladdii cabbaasiyiinta ee Ma’amuun.

 Yacquub isxaaq Al-kendi waxa uu jeexday waddo aqooneed iyo aragti u gaar ah marka laga hadlayo aqoonta sida falsafadda,diinta ,xisaabta iyo xiddigiska.

Al-kendi waxa uu aaminsana  sida  Balaato oo kale  in xisaabtu tahay al-baabka laga geli karo aqoonta iyo culuumta kale sida falsadda,xiddigiska,muusikada iyo dabiicadda, halka Aristotle oo ahaa ardaygii balaato uu aamisana in indha-indhayntu (observations) ay muhiim tahay .

 Al-kendi waxa uu soo eray-tebiyay  buug badan  oo ku qoran afka Girrigga oo falsafadd ah,waxa lagu tilmaama  inuu yahay ninkii ugu horeeyay ee falsafadda soo geliya dunida carabta ,taas darteed,waxa lagu magacaaba  Aabaha falsafadda carabta.

Abu Yuusuf yacquub isxaaq Al-kendi waxa uu geeriyooday taariikhdu Hijrigu markay ahayd  256 oo waafaqsan 873 ee taariikhda miilaadiga.

Gabagabadii ,Al-kendi waxa uu dhashay  185 markay taariikhda Hijrigu ahayd oo waafaqsan  805 ee tirsiga miilaadiga.waxa uu ku dhashay magaalada kuufa ee waddanka ciraaq ka tirsan hadda,waxa uu aabbihii ahaa amiirkii kuufa  ee khilaafadii cabaasiyiinta. markii uu aabbihii geeriyooday ,waxay hooyadii ula soo guurtay magalaada Basra ee waddanka ciraaq. Yacquub Al-kendi isaga iyo hooyadii waxayu soo wareegeen magalaada baqdaad oo ahayd wagaas xarunta cilmiga iyo aqoonta ee adduunka. Al-kendi waxa uu aasaasay rugta kutubta ee lagu magacaabi jiray  Al-xikma ,rugtan oo ay dadku soo booqan jireen si ay wax ugu akhristaan ,waxa kale oo wax ugu dhigi jiray ardaydiisa. Al-kendi waxa uu aaminsana  sida  balaato oo kale  in xisaabtu tahay al-baabka laga geli karo aqoonta iyo culuumta kale sida falsadda,xxiddigiska,muusikada iyo dabiicadda. Abu Yuusuf yacquub isxaaq Al-kendi waxa uu geeriyooday taariikhdu Hijrigu markay ahayd  256 oo waafaqsan 873 ee taariikhda miilaadiga.

W/Q :Dr Bashiir Raacdeeye