Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Taarikh nolaleedkii Hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Osama Bin laden Qaybtii 1aad

Taarikh nolaleedkii Hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Osama Bin laden Qaybtii 1aad
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin wuxuu ahaa nin dunida loogu raadsika badan yahay ka hor sanadkii 2011. wuxuu ahaa 54 sano jir mudo 10 sano ay baadigoob ku hayeen sridoonka Mareykanka & dalalka reer Galbeedka.

Osaama Bin Ladin oo Mareykanku ay ku eedeeyaan in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weeraradii september 11 ee 2001, waxaa dalka Mareykanka looga haystay nin dambiile ah oo qatar ku ah danaha Mareykanka ee dunida iyo xitaa amaanka gudaha ee wadanka Mareykanka.

Taarikh caynkeyuu lahaa,
OSAMA Bin laden.wuxu dhashey 1957.qoys hodana dhalasha ahaan wuxuu ka so jeeda Boqortooyda saudi Arbia, wuxuu ku koray kuna barbaaray magaalada riyaad alkasuu kagalay malcaamadisii quraanka .usama hoyadii iyo abihii waxay kala tageen inyar kadib marku dhashey .wuxuu la noola hooyadii oo guursatay ninkale marku furay abihii . waa wiil madi ku ah hooyadii Hamida Al- Attas marka la eego qoyska reer Bin Ladin.Yaraantiisii Osaama wuxuu ahaa nin ku ad adag diinta sida ay sheegaan caruurtii ay isla noolaayeen gaar ahaan kuwa la dhashey, waxaana ay sheegeen inay arki jireen isagoo si weyn u muujiya in uu doonayo in uu noqdo nin diinta Islaamka u adeega.

heerkisii waxbarasho

Osama wuxuu ku koray waxbarashada qur’aanka iyo tan maadiga isagoo yar waxaana uu dhigan jirey iskool ay maamulayeen macalimiin iyo maamulk Ikhwaanu Muslimiinka ama waxaa la sheegay in aad loogu diyaariyey fikradaha Wahahabv.
Sanadihii 1968 ilaa 1976 wuxuu dhigan jirey iskool lagu magacaabi jirey Al-Thager oo ku yiil magaalada Jidah.
jaamacada wuxuu ku qaatay College ka King Abdulaziz University wuxu bartay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga .marku ka qalinjabiyey jaamacadii wuxuu noqday qanacsade wayn. Aabihiis Bin Ladin wuxuu ahaa maalqabeen hantidiisu is arki waydey, waxaana xiriir aad u xoogan uu la lahaa qoyska reer Boqor Sacuud ee talada boqortooyada Sacuudiga maamulayey sanooyin fara badan.

.Osaama aabihii xiriirkii uu la lahaa qoyska reer Boqor waxay ka dhigey in uu helo fursado caqliga ka baxsan oo uu ku kasbadey hanti malaayiin doolar gaaraysa, waxaana badi hantidaasi ay ka soo xarootey shirkada caanka ah ee dhismaha qaabilsan ee Bin Ladin Contraction Combany waana shirkada inta badan dhistey dhismayaasha ugu caansan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ka mid yihiin dhismayashaa dhulka barakacaysay ee Maka iyo Madiina.

Osama wuxuu ka mid ahaa 50 caruur ah oo uu dhalaey Mohamed Bin Ladin waana cunaga 17-aad wuxuu dhaley 23 caruur ah isagoo guursadey shan xaas oo kala duwan.Lasoco Qaybaha danbe
Lasoco Qaybaha danbe.

Source. The world History
–Bahda Aqoonkaab–
Bilaal ahmed cige (deeq)




Leave a Reply

Your email address will not be published.