Follow
X
Follow
Nin Oday ah ayaa wuxuu soo galay meel Makhaayo ah oo laga cunteeyo, wuxuu ku Arkay Nin Dhalinyaro ah oo aad u Fekeraaya, Wejigiisana ka Muuqato Murugo, kolkaas ayuu weydiiyey oo ku yiri:- Wiilkeygiyoow maxaad la Fekereysaa?, Ninkii Dhalinyada ahaa ayaa ugu jawaabay:- Adeer waxba ima hayo, waan iska Fiicanahay, kolkaas ayuu Odaygii ku yiri Ninkii Dhalinyada ahaa:- Wiilkeygiyoow waxaan kugula Talinaa Arrimahaan:-
1- Qof kaa Dheer ha Jeclaan hadaad Jeclaatidna ha is wada Raacin.
2- Qofna ha Xaasidin hadaad Xaasididna adaa Hoos mari.
3- Qofna Balan ha uga Bixin hadaad uga Baxdana adaa Dhibtoon.
4- Shay Isticmaalkiisa haku Badan hadaad ku badatid isna wuu ku Nici adna waad Nici.
5- Dumar ha la Ficiltamin hadaad la Ficiltantidna adaa ku Baabi’i.
6- waxaan Gacantaada ku jirin ha isku Daalin hadaad isku Daalisinidna adaa ku Danseegi.
Intaas ka din Ninkii Dhalinyada ahaa aad ugu Mahad celiyey Odaygii, Taladiisana wuu ka Guddoomay
Bilaal axmed
bahda aqoonkaab