Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Tobanka Calaamadood Ee waaweyn Ee ka Horeeya Qiyaamaha.

Tobanka Calaamadood Ee waaweyn Ee ka Horeeya Qiyaamaha.
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

1- Waxaa Soo bixi Doona Mahdiga, Waa Nin La yiraahdo Maxamed Cabdullaahi kana mid ah Aalu Baydka Waliba Awlaadda Faadumo Rasuul Ilaahay haka raali noqdee.
2- Dajjaal Cawar waa Nin Sheegan Doona inuu Yahay Ilaahay, Waana Beenaale il Cawaran Oo Ishiisu Soo laalaaddo Sida Midhaha Cinabka wuxuuna ka Soo bixi Doonaa Bariga Khaasatan Dhulka Khuraasaan.
3- Waxaa Dhulka u Soo Degi Doona Nebi Ciise Calayhi Salaam Wuxuu Ku Soo Degi Doonaa Bariga Dimishiq Meel u Dhaw Minaaratul Baydaa, Wuxuu Dhulka Xukumi Doonaa 40 Sano, Wuxuu Ku xukumi Doonaa Cadaalad Wuxuu burburin Doonaa Saliibka Sidoo kale Wuxuu Dili Doonaa Dajjaal Acwar,
4- Waxaa Soo bixi Doona Yuug iyo Yamaanyuug ( Ya’juuj wa’ma Juuj’) waa qolo indho yaryar Oo San bagafsan Markey Soo baxayaan Nabi Ciise iyo Muslimiinta Waxaa Allaah u waaxyoon Doonaa Inay Fuulaan Buurta ‘Duur’ Si ay uga badbaadaan Yuug iyo Yamaanyuugga, Marka hore Dhulkay Fasahaadin doonaan kolkey Laayaan Dadka Dhulka waxay Warmahooda u tuuri doonaan Cirka Waxaa loo Soo Celin doonaa Warmihii Oo dhiig leh waxayna odhan doonaan waan dilney Samada wixii jirey, Kadibna ilaahay wuxuu ku halaagi Doonaa Dirxi Qoorta ka gali Doona kadibna Hal mar bay wada Dhiman doonaan.
5- Kacbada Waxaa Burburin Doona Nin Xabashi ah Oo Timo Adag Oo timihiisa Aad Moodi Sida Sabiibta, Dhagax Dhagax ayuu Dhulka u dhigi doonaa, Xiligaasna Dhulka ma joogaan Cid Tiraahda Allaah Allaah.
6- Waxaa La Arki Doonaa Qiiq is Qabsada Caalamka.
7- Qorraxdu waxay ka Soo bixi doontaa Dhanka Ay hadda u dhacdo, xiligaasna Toobad lama Aqbalo.
8- Waxaa Soo Bixi Doona Xayawaan ( Daabad) Dadka la hadli doonta Wajiyadana ka Calaamadin Doonta, Waxayna Ku Qori Wajiyada Dadka Kii Fiican Mu’Min kii Xunna Kaafir.
9- Quraanka ayaa la Qaadi Doonaa Dadka Islaamka ahna waa la wada Oofsan Doonaa, Waxaa iman doonta Dabayl Carafta Miskiga leh Qofkii Qalbigiisa wax yar Oo iimaan ah Ku jiro way Oofsan doontaa, kadib Waxaa isu Hadhi Doona Dadka Ehlu Sharka ah.
10- Waxaa iman doonta (Dab) ama Naar Dadka u Soo kaxayn doonta Ardu Shaam, Naartaasi dadki way ka yaaci doonaan markey Daalaan way u kaadin Markey Carararaan way ka daba Carari ilaa ay ka keento Meeshii Qiyaamadu ka dhacaysey.
Waa tobankii Calaamadood Ee waa waynaa Ee Saacadda Qiyaame, waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu noo danbi dhaafo noona naxariisto,



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.