Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Waa Maxay Oofwareen

Waa Maxay Oofwareen
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Oofwareen waa infekshan ku dhaca mid ka mid ah ama labada sambab, waxaan sababi kara infekshankaan ilma aragtada sida bakteeriya, fayrus ama fungi. Oofwareentu waxay sababeysaa caabuq ku dhaca kiishashaka hawada ee ku jira gudaha sambabada, kiishashaka waxaa ka buuxsama dareere ama malax, taas oo ka dhigaysa neefsashada mid adag.

Astaamaha oofwareen waxay noqon karaan kuwo khafiif ah iyo kuwo halis gelin kara nolosha, darnaanshada oofwareen waxay inta badan ku tiirsan tahay

  • Waxa sababay caabuqa

  • Ilma aragtada dhaliyay infekshanka

  • Da’da bukaanka

  • Caafimaadka guud ee shaqsiga

Noocyada iyo waxa sababa oofwareen

Bakteeriyada oofwareen

Waxay saameyn kartaa qof kasta da’duu rabo ha jiro, waxay ka dhalan kartaa hargab daran, bakteeriyaasha ugu caansan ee sababa waxaa lakala yiraahdaa isterebtokokus nimonay , kalamidofila nimonay , ama lijiyonela nimofila , nimosistaysis jirofisi .

Oofwareen waxaa inta badan lagu arkaa dadka qaba difaaca jirka oo itaal daran, sida dadka qaba Aydhiska, ama Kansarka

Oofwareenta fayrusyada

Waxay inta badan ku dhacdaa caruurta iyo dadka da’da ah

Waa maxay astaamaha

Astaamaha guud ee bakteeriyada oofwareentu waxay kusoo ifbixi karaan si dhakhsa ah, waxaana ka mid ah

  • Xabad xanuun

  • Jareyn

  • Qandho

  • Qufac qalalan

  • Xiiqleyn

  • Lalabo

  • Murqo xanuun

  • Matag

  • Neef qaadasho degdeg ah

  • Wadna garaac degdeg ah

  • Neef qaadasha oo adkaata

Astaamaha qaar waxay tilmaami karaan xaalad degdeg ah, fadlan raadi dhaqtar sida ugu dhaqsiyaha badan hadaad isku aragtid mid ka mid ah astaamahaan

  • Maqaarka oo buluu noqdo

  • Dhiig soo raaca candhuufta ama xaakada

  • Neef qaadasho shaqo ubaahan

  • Qandho sare

  • Wareer

  • Wadna garaac degdeg ah

Talo

Qof kasta oo qaba sonkoroow, neef, iyo xanuuna kale oo raage waxay halis ugu jiraan oof wareen, intabadan waxaa looga hortagi kara tallaal looga hortago bakteeriyada oofwareen iyo hargabka, sigaar cabidda oo la joojiyo waxay hoos udhigeysaa halista infekshankaan. Daaweynta oofwareentu waxay ku xiran tahay waxa sababa.