Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Waa maxay sanboor

Waa maxay sanboor
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Sanboor waxaa sababa xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jidhka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahyn oo uu jirka la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jirka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka.

Maxaa sababa sanboor

Marka jirkaaga uu la sameeya xiriir xasaasiyad kiciye, jirku wuxuu soo daynaa maado la yiraahdo histamine oo ah kiimiko kamid ah kuwa difaaca jirka uu isticmaalo, kiimikadadwaxay sababeysaa astaamaha sanboorka lagu garto.

Xasaasiyad kiciyaasha waxaa kamid ah

  • Cowska
  • Busta
  • Dhogorta xoolaha
  • Calyada bisadda
  • Caaryada

Inta lagu guda jiro xilliyada qaar ee sanadka, waxaa laga yaabaa in uu bato sanboorka, sida xiliga qaboobaha iyo guga.

Astaamaha samboorka

Astaamaha iyo calamaadaha caanka ah ee lagu yaqaano sanboorka waxaa ka mid ah

  • Hindhiso
  • San xiran
  • San dareer
  • San cuncun
  • Qufac
  • Cunno cuncun
  • Indho cuncun
  • Indho dareer
  • Madax xanuun badan
  • Daal

Inta badan waxaa la dareema kuwo kamid ah astaamaha kor ku xusan isla marka uu jirka la kulmo xasaasiyad kiciyaal. Calaamadaha qaar sida madax xanuun soo noqnoqda ama daal waxaa la dareemaa marka uu jirka marar badan la kulmo xasaasiyad kicye. Qandho ma ahan astaan lala xiriiriyo samboorka.

La hadal dhaqtar hadii astaamaha samboorka aysan hagaagin todobaadyo gudahood.

Halista in samboor uu yimaado

Xasaasiyad waxey saameyn kartaa qof walbo, hasa yeeshee waxaa unugul inuu ku dhaco qof tolkiisu ay qabaan xasaasiyado.

Waxyaabaha kale ee kicin kara ama kaga dari kara samboorka waxaa ka mid ah:

  • Sigaar cabid
  • Kiimikooyinka qaar
  • Jawiga qabow
  • Huur
  • Dabeyl
  • Hawo wasakheysan
  • Barafuuno
  • Catarro

Dawooyinka samboorka

Waxaa loo daweeyaa qaabab kala duwan sida

Dawooyinka loo yaqaano antihistamin

Dawooyinka fura sanka

Dawooyinka lagu buufiyo sanka

FG: fadlan la tasho dhaqtar inta aadan bilaabin qaadashada dawo.

Sidee looga hortagaa xasaasiyadaha

Sida ugu wanaagsan ee looga hortago iney soo baxaan astaamaha xasaasiyada waa inaad maareysaa inta uu san jirkaaga u jawaab celinin si xun.

Cabdilaahi Cabdi Muuse

0634381175  0659315483

Burco somaliland