Search
Thursday 15 November 2018
  • :
  • :

wax badan ka ogow Dilaaga aamusan ee Wireless ka !

wax badan ka ogow Dilaaga aamusan ee Wireless ka !
Follow
( 2 Followers )
X

Follow

E-mail : *

waxaynu ogsoonahay in ay si wayn u korodhay isticmaalka tiknoolojiyadan casriga ah , tiknolojiyadan casriga ah waxa ka mid ah Wireless ee Loo yaqaan WI-FI “signalka bilaa xadhiga ah ” aaladan wi-fi waxa laga helaa meel walba sida guryaheena,hudheelada iyo goobaha kale ee lagu kulmo , dad badan ayaa la dhacsan adeegan iyagoo aamin san inuu yahay hab aad u wanaagsan oo ay kuwada xidhiidhi karaan moobilada iyo laptopyada iyadoo aan la isticmaalayn wax xadhig ah , shirkado badan oo moobilada sameeya waxay raaceen habab badan oo moobilada loo isticmaali karo iyado aanay waxyeelo gaadhsiin dadka laakin weli moobiladu iyo wi-fi maaha mid amaana 100%

Hadda aynu ka jawaabno su’aal aad u qiimo badan – shucaaca wi-fi uu soo daynayo waxay khatar ku hayaan jidhka bani aadamka sababto ah markaad aad ku xidhmayso wi-fi adoo isticmaalaya moobil ama laptop ama tablet waxaad isticmaalaysaa qalabka loo yaqaan ROUTER . router ku waxa uu soo daayaa shucaac iyo mawjado birlab-danabeed ah (electromagnetic waves ) , kuwaas oo waxyeelo gaadhsiin kara xubnaha jidhka , dad badan ayaa iska indho tira waayo badankoodu ma oga waxyeeladisa .Dhowaan ayaa khubaro ka tirsan british health agency (wakaalada caafimaadka ee ingriiska) ay shaaca ka qaadeen in qalabka routers ku saameyn togan ku leeyihiin koritaanka dadka iyo dhirta.

cawaaqibta laga dhaxlo wi-fi ga

madax xanuun daran oo joogto ah

daal daba dheeraada

Hurdo xumo

dhago xanuun

Taxadir la’aan

hadaba iyada oo aynu ognahay inaan laga maarmi karin tignooljiyadan dambe isla markaana aan la noolaan karayn la’aanteed waxa muhiima in la helo habab laga badbaadi karo ama lagu yarayn karo khataraha ka iman kara

waa kuwan talooyin muhiima oo aad kaga baadbaadi kartid waxyeelada routerka iyo wi-figa .

Bakhti ama dami routerka xilliyada aan la isticmaalayn.

ka hor intaanad seexan hubi inaad bakhtiisey ama damisey dhamaan barnaamijyada ku shaqeeya wireless ka.

Routerka ha dhigin qololka hurdada ama kijada .

haddii aad mowduucan u bogtay fadlan asxaabtaada la wadaag

xuquuqda :aqoonkaab.com

waxa qorey : maxamed maxamud sardheeye

e-mailka : info@aqoonkaab.com



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


2 thoughts on “wax badan ka ogow Dilaaga aamusan ee Wireless ka !

  1. Khadar

    Aad iyo aad ayay u muhiimsan tahay in laga feejignaado waxyaalaha khatarta ah ee ka imam kara Tignoolajiyada “ay dadku la dhacsan yihiin.” Mahadsanid walaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.