Search
Tuesday 13 November 2018
  • :
  • :

Wax badan ka ogow Wadna istaaga

Wax badan ka ogow Wadna istaaga
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Wadnaha oo istaaga waa khatar caafimaad oo aad u sareysa, waayo waa xubinka dhexyaalka u ah gaadhsiinta jidhka ogsijiinta iyo macdanta kale, dhimasahada ugu badan ee dunida waxaa sababa xanuunada ka dhasha wareega dhiiga, wadnaha oo istaagana waxay keeni kartaa dhimasho degdeg ah
Maxaa sababa
Wadnuhu waa xubin nool sida xubnaha kale ee jidhka wuxuuna ubaahan yahay dhiig iyo macdan si uu unoolaado una qabto shaqadiisa, waxaa dhiiga iyo macdanta siiya xidido loo yaqaan Koranari hadii mid ama qaar kamid ah xididadaas ay xinjiri gufayso waxaa yaraanaya dhiiga gaadh aya wadnaha ama qayb kamid ah wadnaha, taasoo keenaysa in wadnuhu uusan helin ogsijiin ku filan si uu shaqo uqabto ama u noolaada, taasna waxay sababaysaa in shaqada wadnaha ay laba jibaaranto waliba asagoon wadnaha haysan shidaal ku filan, shaqada wadnaha oo sii badata waxay kor uqaadeysaa baahida uu uqabo ogsijiin iyo nafaqada ku jirta dhiiga, waana bilowga dhimashada muraqa wadnaha ama waxa loo yaqaan wadna istaag.
Astaamaha wadna istaag
Astaamaha qofku uu dareemo waa kuwa kadhasha dhaawac soo gaadha muruqa uu ka sameysan yahay wadnaha, dhaawacan ayaa soo jiita in mudo ah, hadii qofku uusan aqoon buuxda u lahayn astaamaha wadnaha waxaa laga yaabaa inuu iska sii wato nolol maalmeedkiisa asagoon raadin daryeel caafimaad, astaamaha wadna istaaga waa kuwa si aan joogta ahayn loo dareemo waxaana kamid ah
• Xabad xanuun
• Xanuunka gacanta bidix ama garabka bidix,
• Wadna garaac
• Neef qaadashada oo aad u yaraata
• Qufac
• Walwal iyo dhidid kuyimid baqdinta bukaanka
• Lalabo iyo matag.
Sidee looga hortagi karaa
Wadna istaagu waxuu lee yahay ka hortag wayna adag tahay in la daweeyo mar hadii uu dhaco sababtoo ah waxaa yar waqtiga uu wadnaha ku istaago taas oo keeneysa dhimasho deg deg ah. Waxaa looga hortagaa qaab aan dawo ahayn waxaana ka mid ah:
• Jimicsi joogta
• Xakamaynta ama joojinta sigaarka
• Yaraynta ama joojinta dufanka sida subaga ama cunooyinka uu ku badan yahay subagu
• Inaad badasho qaabka aad u nooshahay sida cunada qudaarta u badan oo aad quudato.
Hadii uu dhaco wadne istaag waxaa dhakhaatiirtu la tacaali karaan saacad ama labada saac ee ugu horeeya, hadiise bukaanku dareemayay calamadahan mudo kabadan waqtigaas way adag tahay in lagaaro yoolka badbaadada bukaanka.
Talo:
Dhimashada deg dega ah ee inta badan ku dhacda bulshada soomaaliyeed waa wadna istaag, ama xanuunada ku yimaada daryeelka dhiiga, sidaa darteed waa muhiim in qofka kasta uu ogaado muhiimada wadnaha uu ulee yahay nolosha qofka iyo in qofka kasta uu qaado talaabooyin uu kaga hortagi karo iney caafimaad daro lasoo deristo wadnaha, sababtoo ah wadnaha wuxuu dhintaa marka uu soo gaaro dhaawac uusan ka kabsan karin, sidaa darteen waa in qof walba uu dareen gaar ah u yeeshaa wadnaha uuna siiyaa daryeelkiisa
Jimicsigu waa dawo aan la yarey san karin, waxuuna ka hortag u yahay cuduro tira badan oo kuwa wadnuhu kow ka yihiin, iskuday inaad samayso jimicsi jadwal leh, ama ugu yaraan lugee maalintii 30 daqiiqo.
Qore: cabdilaahi cabdi muuse (shicib)
0634381175/