Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Wax badan ka ogow Xanuunka Jadeecada ( Measles)

Wax badan ka ogow Xanuunka Jadeecada ( Measles)
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

sida aynu ka wada warqabno waxa la soo sheegay in xanuunka jadeecada oo fiditaankiisu aad u fudud yahay lagu arkay meelo ka mid ah dalkeena gaar ahaan deeganada saaxil anigoo dareensan dhibatada xanuunka kashanayana aqoontayda cafimaadka waxaan jeclaystay inaan guud ahaan bulshada la wadaago maqaal ka hadlaya xanuunkan jadeecada
Jadeecadu waa mid ka mid ah xanuunada  sida aadka ah u faafa haddii aan la joojin ama laga hortagin sida lagu yaqaano jadeecadu waxay caan ku tahay calamado ay ka mid yihiin Xumad finan yar yar oo ka soo yaca oogada sare jidhka iyo astaamo kale oo muujinaya inuu caabuq ka jiro hab dhiska neefsashada sida qufaca iyo kuwo kale , jadeecadu waxay badanaa samaysaa ama ku dhacdaa caruurta  gaar ahaan kuwa da’doodu ka yar tahay 5 sano ,ilaa iyo wakhtigana looma hayo dawo rasmi ah oo lagu daweeyo xanuunkan .
Jadeecada waxa sababa nooc ka mid ah ili ma aragtayda ama jeemiska virus oo loo yaqaano Paramoxyvirus (morbilivirus) kaaso badanaa laga adamaha  waxa laga yaaba shaqsiyaadka uu sameeyo xanuunkani inay noqdaan kuwo bilaa calamado ah
Sidee ayay ku gudubtaa jadeecadu ?
Xanuunkani waxa uu ku gudbaa xidhiidh toos ah oo dhex mara qofka qaba xanuunka iyo kuwa cafimaadka qaba amaba qoyaanada ka imanaya sanka sida duufka iyo afka sida candhuufta , sidoo kale waxa laysugu gudbin karaa neefta ama hawada
Yaa u nugul xanuunkan ?
Sida la wada og yahay hooyadu wakhtiga uurka  waxay ilmaheeda ugu gudbisaa madheerta antibodies  ka ilaaliya u nuglaanshaha xanuunkan , sidoo kale canaha naaska hooyadu waxay ka difaacan ilmaha xanuunkan bilaha hore noloshiisa , difaacyadaa uu ka helo ilmuhu hooyadii wakhtiga uurka iyo wakhtiga jaqida naasku waxay u baaban ayar ayar bilba bisha  ka dambaysa ilaa meesha ay ka baxaan marka ilmuhu gaadho da’da 5-12 bilood laga soo bilaabo da’dan ilmaha yari waxa uu u nuglaada inay ku dhacdo jadeecadu.
Sidoo kale waxa iyana u nugul xanuunkan caruurta  da’doodu ka yar tahay 5 jirka ilaa 3 jirka ee aan qadan talaalka jadeecada
dhibaato ku haya xanuunkani
Sida aynu wada ognahay taniyo maalintii la gartey xanuunkan waxa keena loona magac bixiyey lana aqoonsaday dhibaatadiisa ilaa iyo maanta xanuunkani waxa uu yahay mid dhibaatadiisu tagana tahay wana dhibaatooyinka cafimaadka bulshada kuwa ugu badan gaar ahaan wadamada talaladoodu hooseyaan siiba sida wadamo badan oo Africa iyo Asia .
Sanadii 2010 hayada cafimaadka adduunku waxay daaha ka rogtay 181 wadan laga soo sheegay in ka badan 254,0000 oo case oo jadeeco marka loo eego heerarka cabirka iyo janisyada xanuunkan ilaa wakhti xadirkan WHO way wada qiimeynta iyo ka war helida cases cusub

Sidee loo badha ama loo ogaada xanuunka
Marka ugu horeysa waxaa aad xanuunkan ku baadhi kartaa wareysi iyo qiimeynta aad ku aragto isbedelada jidheed ama finan ee ka soo baxay oogada jidhka si aad u xaqiijo in xanuun ku yahay kaad u malaynaysana waxaad u diri kartaa shaybaadh iyadoo la badhayo IGMantibody  oo ah kan ugu xasaasisan ee lagu arki karo xanuun dhaliyaha sidoo kale waxa laga baadhi karaa
-dhiiga qofka
– suuf lagaga soo qaado afka candhuufta ka dibna la baadho
Daweynta xanuunka
Sidaynu soo sheegnay xanuunkani ma leh daaweyn lakiin se waxa uu leeyahay talaal ka hortag ah oo la soo sarey sanadii 1960 kii  talalkaasi oo laga sameyey ili ma aragtay nool oo virus ah.
Talaalka u caansan ee maanta la isticmala waa ka laga soo dheegtay Edmonston strain ee jeermis dhaliya jadeecada , sidoo kale waxa iyana jira talaalo kale oo laga soo dheegtay jadecada sida   CAM-70, TD-97 iyo kuwo kale , badanaa lama hayo wax cadaana oo ay ku kala duwan yihiin talaladani sida la falgalka jidhka iyo dhibatada ay keeni karaan labadaba.
Talaalkani waxa uu ka kooban yahay maadoyinka ay ka mid yihiin ( Sorbitol or Hydrolized gelatine) iyo xadi yar oo ah madada loo yaqano Neomycin ilaa hadana taladada laguma hayo wax jidhkeenu diiday.
Sidee loo qaata talaalka  qiyaas intee leeg ba se la qaata
Caruurta da’doodu ka yar tahay 2 jirka waxa la siiya  0.5ml per dose adiga oo ka siinaya Muruqa gaar ahaan deltoid muscle si anteriolatal ee bawdada.
Caruurta da’doodu tahay 2 jirka ama ka weyn tahay waxaad siinaysa iyagana 0.5 ml per dose  adiga oo ka siinaya SC dhinaca gacanta.
Yaan qadan karin talaalka ama uu dhibaato ku keeni karaa
Qofkastoo alerji ku leh madooyinkan talaalku ka samaysan yahay
Dadka difaacoodu aadka u hooseeyo
Kuwa la nool xanuunka HIV/AIDS mujiyeyna calamada xanuunka difaacoduna ka hooseyo 25%
Kuwa qaba kansarka ku dhaca dhiiga sida leukemia
Iyo kuwa qaata dawooyinka difaac xadida sida corticosteriods , dawooyinka kansarka
Sidoo kale waxa iyaguna aan talaalkan la siin karin caruurta nafaqo daradu hayso iyo hooyada uurka leh iyadoo oo uu dhibaato cafimaad soo gaadhsiin karo hoyada iyo uurjiifka kuna sababi karo inay hooyadu dhiciso ilmaha
Jadwalka Talaalka
Qadashada koowaad Primary Vaccination
Wadamada faafida xanuunkani aadka ugu sareeyo waxa loo bilaaba talaalka caruurta markay da’doodu tahay 9 bilood .
Wadamada kale ee faafida xanuunku ay yar tahayna waxa caruurtooda talaalka loo bilaaba 12-15 bilood markay da’doodu mareyso
Sidoo kale wadamada ay halistoodu sareyso waxa caruurtooda talaalka loo bilaaba ka hor 9 biloode u horeya noloshooda talaalka u horeeyana waxay qataan markay da’doodu tahay 6 bilood halka dose labaadna ay ka qaataan markay gadhaan 9 bilood
Sidoo kale xaladaha  qaar waxa dhacda ugu yaraan 4 week in ilmuhu qaato laba jeer talaalka xaladahaasna waxa ka mid ah :-
Meel jadeecadu ku badan tahay ama deegan ku tahay
Caruurta qaxoontiga ah ama barakacayasha ah
Caruurta hooyadadood la nooshahay xanuunka HIV/AIDS
Caruurta nafaqo daradu hayso
Qadashada Labaad
Qadashada labaad iyada waxa la bixiyaa marka la wado ololaha dabagalka iyo cidhib tirka xanuunka caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano mararka qaarna da’du way ka weynaanaysa 5 jirka iyadoo ay ku xidhan tahay saf marka xanuunkan
Sidoo kale qadashada labaad waxa lagu dari karaa jadwalka talalada ee calamiga ah  gaar ahaan caruurta da’doodu tahay 15-18 bilood
Xeeladaha Talaalka
Guud ahaan qorshaha bixinta talaalkan waxa lagu soo kooba saddex nooc oo kala aha
Fixed site :talaal joogto ah mar walbana laga heli karo goobaha bixinta cafimaadka isagu wuxuu daboolaha keliya 5 km masafo dhul ahaaned
Outreach site :sidoo kale waa joogto lakiin se waxa loogu talo galay inuu daboolo baxad dhul ahaan oo dhan 5-15 waxana laga helaa goobaha cafimaadka
Mobile team:kuwani waa kooxana wareega guud ahaan dalka magaaloyinka iyo goboladaba
Olalaha bixinta talaalka jadeecada
Waa olole looga gol leeyahay in mudo gaaban lagu talaalo dad badan iyadoo la sameynayo meelo badanoo laga helayo talaalka ama kooxo wareegaya kambaynka waxa ka hawlgala dad badan , gadiid badan waxana aad u muhiim ah isku xidhka hawlaha waxanu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah
Cathch up campaing :ololahan waxa looga gol leeyahay in lagu bixiyo qadashada labaad ee talaalka jadeecada gaar ahaan caruurtaan talalada qadan waxana la sameeyan 2  ilaa 4 sanoba mar wana qayb ka mid ah talaalka guud ee calamiga ah ee jadeecada
Outbreak response campaing:isaga ujeedada looga dan leeyahay waa in laga hor tago inuu xanuunkani faafo lana xadido waxana la talala dadka halista ugu jira qadista cudurkan
Sidee loo Joojiya faafida xanuunka jadeecada
Keliya ka hortag ma noqon karo talaalka jadeecadu keligii se waxa lagu daraa si loo joojiyo loona dabar jaro xanuunka talaalo kale , talaalka jadeecada ujeedadiisa u weyn waa in ln hoos loo dhigo silica , darxumada iyo dhimashada xanuunkani sababo.
Guud ahaan qorshaha dabar jarka xanuunkani waxa loo qaybiyaa afar qaybood oo kala ah:
In la hagaajiyo lana hubiyo daweynta
In la kordhiyo wareega talalada iyadoo la raacayo talaal bixinta koowaad lana daboolayo  90% caruurta ka yar 1 sano la talaalo
Iyo in la xoojiyo talaal bixinta labaad iyadoo la raacayo habka qabashada iyo ka war haynta xanuunka waxana la beegsada ka yar ama ka badan 95% caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 15 sano
Tan u dambaysana waa in la kordhiyo ilaalinta xanuunka iyo ka warheyntiisaba wana ta aynu u bahanay manta dal ahaan inaynu xooga saarno helnana xog dhab ah oo ku sabsan heerka xanuunka ee dalka
Dabar goynta xanuunka
Baabiinta xanuunkani waa mid  muhiim ah waxana loo qorsheyey duniduna isla garatay in la joojiyo wareega ama socodka ili ma aragtayda keena xanuunkan lana gaadhsiiyo talaalka dhul aad u baladhan qaarad ka qaarad.
Si loo tirtiro xanuunka waxa hawlqabadka talaalka la raaciya talabooyinkan
Hubinta kaysaskii ka dawoobay xanuunka iyadoo la siinayo Vitamin A joogto ah
In la ilaaliyo lagana war hayo cida lagu tuhmayo xanuunka iyadoo loo adeegsanayo shaybaadho iyo daweyn haddii ay cadaato
In la hubiyo lana dhamaystiro bixinta talaalka koowad iyadoo la hubinayo in la gadhsiiyey talaalka caruur ka badan ama ka yar 95%
Iyo in la qaybiyo bixinta talaalka marxaladiisa labaad iyadoo ujeedadu tahay in talaalka la gadhsiiyo caruurtiiii aan ka koowaad qaadan

Ujeedada u weyn ee laga leeyahay taladadan iyo talooyinkaniba waa in si dhamaystiran looga cidhibtiro guud ahaan dunida xanuun dhaliyahan sababa jadeecada.
Diyaarintii Mohamed Shucayb Ahmed (Marty Mohamed )
Arday barta culuumta caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa
Ka Qalin Jabiyay Culuunta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah