Wax ka ogoow Taariikhdii diin Faafiyihii qarniyada 19/ 20 Sheikh Ahmed Diidaat
Feb 12, 2016Arrimaha islaamka
Ahmed Hussein Deedat wuxuu ku dhashay Deegaanka Tadkeshwar, Surat ,dalka India Sanadkii 1918. Isagoo 9 jir ah ayuu kasoo tegay hooyadii wuxuu na u tegay Aabihii oo ahaa harqaanle iyo darawal kunool dalka South Africa. Wuxuu ku koray nolol adag oo saboolnimo oo sababtay inuu waxbarashadii mar katago suu u shaqaysto.
Dadaal badan oo uu sameeyey Ahmed Diidaat waxa uu isu rogay caalim diin-faafiye saamayn weyn leh, waxa uu qoray, si bilaash ah dhawr milyan oo nuqulna, dhawr buug oo uu ugu caansan yahay The Choice: Islam and Christianity, lana daabacay Abriil 1993, isaga oo bilaa lacag ah ayaana laga helayay goobaha diin-faafinta Waqooyiga Ameerika oo idil. Wax ka badan 25 000 oo nuqul ayaa lagu daabacay madbacadaha bariga dhexe.
Buugtiisa kale ee iyaguna caanka ah waxa ka mid ah:
.Is the Bible God’s Word?
.What The Bible Says About Muhammad?
.Crucifixion or Cruci-Fiction?
.Muhammad: The Natural Successor to Christ
.Christ in Islam
Muhammad The Greatest
Al-Qur’an the Miracle of Miracles
Doodo badan oo uu shiikhu lagalay hormuudka diinta kirishtanka wuxuu ka soo hoyiyey guulo waaweyn oo dad badan oo gaalo ay kusoo islaameen.
Waxa uu bud dhigay As-salaam; mac-had lagu tabobbaro diin-faafiyayaasha. Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa aas aasayaashii xarunta IPCI (Islamic Propagation Center International) oo ku taal Durban, gu’gii 1957, marna madaxweyne ayuu ka noqday.
Dedaalkiisii markii uu hakan waayay ee uu genbiyada jabsaday ayuu mutaystay abaal marinta caalamiga ah ee boqor Faysalka Sucuudiga oo la siiyo dadka u adeega una dhaqdhaqaada diinta Islaamka, sanaddii 1986.
3’dii May sannadkii 1996 ayuu soo riday faalig sariirta ku eekaysiiyay, kaas oo ka abbaaray qoorta kana dhigay mid aan hadli karin waxna liqi karin. Cisbitalka Boqor Faysal ee magaalada Riyaad ayaa la dhigay, balse waa laga dayriyay xaaladdiisa. Waa la soo celiyay, muddo sagaal gu’ ahna sariirta gurigiisa ayay ku haysay xaaskiisa .Isagoo geerida sugaya ayuu haddana dadka ku boorrinayay in ay diinta bartaan oo difaacaan .
Wax uu sidaa ahaadaba, xaqii Geerida ayaa u yimi 8’diiAugust 2005, isaga oo ku xijaabtay gurigiisii ku yaallay (Waddada Trevennen ee degmada Verulam, gobolka KwaZulu-Natal), waxaana lagu aasay, Eebbe ha u naxariistee, xabaalaha Verulam. 87 jir ayuu dunida kaga tegey. Xaaskiisii sanad ka dib, 28 Ogos 2006, ayay ku geeriyootay da’da 85, waxana marxuumku uga tagya umadda islaamka ah Dhaxal aan sinaba u daboolmi karin markataa ka muuqda aduunka .