Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Way I diiday facebook, intaa kadibna waxay iga bixisay 4 bilyan oo doolar

Way I diiday facebook, intaa kadibna waxay iga bixisay 4 bilyan oo doolar
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Saddexdii bishii ogos 2009 waxa uu ku faafiyay nin magiciisa la dhaho baraayan aktoon (Brian Acton) qoraal shabakada twitter, taas oo uu ku sheegay siday u diiday shirkadda facebook inay shaqaalaysiiso, isagoo u arkayay la shaqayn ta shaqaalaha facebook inay tahay fursad wayn oo uu ku baran karo caqliyo waawayn oo saaxiibada shaqada ah, hase ahabrian-acton-256-WhatsApp-Facebookatee diidmadaa wuxa uu ku qaabilay qalbi furnaan, wuxuuna sheegay inuu qaadi doono tallaabada xigta ee biimada nolosha.

Sida dhabta ah xilligaa baraayan wuxuu ahaa mid aad u niyad jabsan, kadib markuu 11 sano ahaa horumariye iyo borogaraamiye, wuxuu shaqo ka bilaabay shirkadda yahoo kadibna apple, baraayan wuxuu go’aansaday inuu la shaqeeyo shirkadaha togga silikoon ee maraykanka, kuwaas oo u muuqday inay dhamaantood diideen inuu u shaqeeyo.

 

 

Taa waxaaba kasii daran, kahor laba bilood iyo dheeraad qoraalkii facebook uu ka qorayn, baraayan sidoo kale wuxuu qoray qoraal kan oo kale ah, kaas oo uu kusheegayo inay shirkadda twitter na diiday shaqaalaysiintiisa.

Siday dad badani ogaadeen, sifada ugu fiican ee uu baraayan lahaa waxay ahayd shakhsiyadiisa oo ahayd mid adag, si fududna aan u aqbalin guul darrada, aadna aan u murugoon dhib kastoo ku dhacda iyo kufid kastaba.

Qoraalkaa sare ee uu twitter ku qoray waxa arkay jaan koom (Jan Koum), oo ahaa saaxiib hore oo uu baraayan lahaa, kaas oo ay isku mar shaqada u wada doonteen facebook sidoo kalana ay diiday facebook, saaxiibkaa hore waxa kusoo dhacday fikradda ah application cusub, ka dib markuu soo iibsaday mobil  ayfoon ah wuxa uuna ka yaabay awoodaha sii kordhaysa ee suuqa applicationada (app store) kaas oo markaa talaabooyinkiisii u horreeyay qaaday.

Ku magacaaban shuraako mushaharkuna eber

Shaqada baraayan loo soo bandhigay waxay ahayd inuu shuraako la noqdo jaan koom isagoon wax mushahar ah qaadanayn, booskaa loo magacaabay iyo daadaalkiisii waxa ka dhashay shirkad, taas oo soo saartay application telefoonada u saamaxaya inay farriimo isudiraan iyadoo internetka la adeegsanayo, sidoo kalana la adeegsanayo namabarka telefoonkaa.

Facebook way saxday khaladkeedii

Markay sannado yar kasoo wareegeen qoraalkii uu qoray baraayan, facebook waxay ku iibsatay applicationkii baraayan iyo ninkii shuraakada la ahaaba lacag dhan 19 bilyan oo dollar, application kaasi waa wat’isab (WhatsApp), baraayana wuxuu helay lacag ku dhaw 4 bilyan oo dooral ku.
Whatsapp-for-PC

Dulucda sheekada

Sheekada dulucdeedu waxa ay ku leedahay ha murugoon, ha niyad jabin, muhim maaha inay ku diido facebook ama twitter, muhim maaha inay da’daadu ku dhawaato afartan jir, dhab ahaantii waxa muhim ah in aanad is dhiibin. Saaxiib nolosho waxba ma samayso kaliya caqabado ayay ku hordhigaysaa si ay kuu eegto waxaad samayn karto, jaaisadana waxa helaya ka hore usocda wax kastoo dhacaba, ka ilaaliya niyadiisa korna u qaada, indhihiisana fura isagoo raadinaya fursadaha soo baxaya.



Eng xamse xuseen waa engineer ka qalin jabiyay kulliyada civil engineerinka, aadna ula socda wararka IT ga, iyo technoolojiyada.