Search
Saturday 17 November 2018
  • :
  • :

Wiil Afirca udhashey oo 27sanno xabsi ku jiray haddana kamid noqday dadka dunida ugu caansan.

Wiil Afirca udhashey oo 27sanno xabsi ku jiray haddana kamid noqday dadka dunida ugu caansan.
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Nelson Mandela wuxuu kamid ahaa dadka loogu jeclyahy looguna ixtiraamka badanyahay dunida,sababo tirobeela awgood wuxuu sii ahaaday geesi weyn .wuxuu ahaa qof aynu kabaranay casharo badan.wuxuu helay khibrado badan 90 sanno uu noolaa. silic iyo ciqaab badan kadib wuxuu noqday madaxwayne dalkiisu jeclyahy. kadib markii uu hawl gab noqday, wuxuu sii waday inuu ukala socdaalo dunida,dadka caawiyo iyo inuu ukaco wacyigalinta la xidhiidha xaaladaha aduunka.

Nelson wuxuu dhashey 1918 wuxuu ku dhashey south africa kasoo ukala qeybsanaa madow iyo cadaan xaga jinsiyadaha. mar uu ka hadlaayey noloshiisii caruurnimo wuxuu yiri”waxaan lahaa xili caruurnimo oo cajiiba waxaan niyad uhayey oradka iyo feedhtanka” Nelson wuxuu bartay inbadan nidaamkii midab kala socoo markii uu dhigtay inuu noqdo garyaqaan . tasoo ku hogaamisay olalihii xuquusiman iyo asaasidii  ururka African

National Congress (ANC),kasoo markii danbe uu ka noqday hogaamiye.

dadwladii koonfur africa ee waqtigaasi waxay samaysay intii awoodeeda ahayd  mandela ka xanibto inuu fidiyo fariintiisii sinaanta madowga,cadaanka iyo in la mideeyo  jinsiyadihii kala duwanaa ee koonfur africa. waxay dhigtay jeelka 27sano. intaa kadib wuxuu aduunka ka noqday caan iyadoo loo sababeeyo inuu noqday sumad u halganta xuriyada koonfur africa, xidigaha muusiga kulul,jilaayasha,iyo siyaasiyintuba waxay u olaleyeen inuu xoriyadiisii dib u helo lana dhameeyo midabkala sooca.waxaa jeelka laga sii daayey 1990 warkasoo aduunku ku farxay.

Nelson mandela wuxuu dadaal badan ugalay inuu heshiisiyo jinsiyado kala duwan ficilkasuu ku hantay qalbiyada malaayin qof.sidokale wuxuu ku guulaystay Abaalmarinta nabada aduunka, sanadkii 1993, iyo inkadan 250 abaalmarino. sannad kadib, wuxuu noqday madaxwaynihii ugu horeeyey ee madow ah ee wadankiisu yeesho wuxuuna xafiiska hayey ilaa 1999. wuxuu sii waday si aan nasasho lahayn inuu ka qeyb qaato xalinta dhibaatoyinka dunida ka taagan  ilaa da’adu hoos udhigtay . wuxuu dhintay 5 December,2013 dada 95.

neslon wuxu lahaa hadalo xikmadleh oo taarikhdu qortay aynu ku soo gabagabayno hadalkan” waxbarashadu waa hubka awood badan kasoo aynu ku badali karno dunida”

Waxaa diyaariyey Bilaal Axmed Cige (Tixraac)

 

Bahda aqoonkaab