Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Xaaladda koriimada xad dhaafka ah

Xaaladda koriimada xad dhaafka ah
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Xanuunka koriimada xad dhaafkaa waa xanuun dad yar ku dhaca balse halis ah. Waxaa si xad dhaafa u koraya lafaha iyo xubnaha kale ee jirka qofka. Koriimadan xad dhaafka ah waxaa sababa soo saarida dhecaanka koriimada jirka oo si xad dhaaf ah loosoo saaro, soo saarida xad dhaafka ee dheecaanka koriimada waxaa sababa buro kasoo baxda maskxda.

Koriimada saaidka ah waa xaalad halis ah oo keeni karta in qofku khatar caafimaad galo hadii aan si deg deg ah loo dawayn.  Balse hadii la daweeyo waqti hore wuxuu qofku ku noolaan karaa nolol caafimaad leh.

Dheecaanka koriimada oo loo yaqaan Growth Hormone waa dheecaanka u qaabilsan jirka koriimada caadiga ah, waxaa laga soo daayaa qanjir ku yaala maskaxda hoosteeda oo loo yaqaan Pituitary Galand. Buro kasoo baxda qanjirka pituitary ayaa sababta in qanjirku soo daayo xaddi badan oo dheecaanka koriimada ah. Hadaba xaddigaas ama tiradaas badan ee dheecaanka koriimada wuxuu sababayaa in koriima saaid ah ay sameeyaan xubnaha jirka qaarkood, sida lafaha, gacmaha, wajiga iyo xubnaha kale ee jirka.

Caruuta uu saameeyo cudurkaan waxay u koraan si xad dhaaf ah, waxay noqdaan dad jir waawayn. Taasoo saamayn ku yeelata noloshooda maadaama ay dadka kale ka duwanyihiin.

Waa maxay calaamadaha lagu garto?

Calaamadaha lagu garto xanuunka koriimada Xad dhaafka ah waa badanyihiin sababtoo ah waxay badanaa kusoo baxaan si tartiib ah, Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad aragtid faraantiga aad gashanayd oo ciriiri kugu noqda, kadib marka aad iska bixisid mar labaad ma gashan kartid. Ama waxaad noqonaysaa qof kabihii ka yaraadeen oo mar walba kabo intii hore ka dheer raadinaya.

Calaamadaha badanaa dadka lagu arko waxaa kamid ah:

Lafaha lugaha, gacmaha iyo wajiga oo waynaada
Tiamaha oo ku bata dumarka
Carabka iyo Daamanka oo waynaada
Cayil tiro badan
Kala goysyada oo badhadha, xanuuna yeesha, taasoo qofka socodka u diidi karta
Ilkaha oo kala fog fogaada
Codka oo aad u waynaada
Murqaha oo daciifa
Madax xanuun
Dhididka oo bata
Daal badan
Maqaarka oo adkaaga
Hadii aad isku aragtid calaamadahaan fadlan si deg deg ah u booqo dhakhtar.

Yaa khatar ugu jira koriimada xad dhaafka ah:

Xanuunkan wuxuu dadka ku dhici karaa xilli walba qaan gaar nimada kadib. Balse waxay ku badantahay dadka da,a dhexaadka ah. Dadku badanaa lama socdaan xaaladooda caafimaad. Balsw, isbadalka kundhacaya jirku wuxuu qaadan karaan waqti yar adiga oo aan ogayn.

La soco xaaladaada caafimaad iyo mida ilmahaagaba.