Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Xusuusin mid ka mid ah siraha ku jira soonka.

Xusuusin mid ka mid ah siraha ku jira soonka.
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Xusuusin iyo isku baraarujin mid ka mid ah xikmadaha soonka.

Xikmadda ku jirta soonku badan oo badane, bal u fiirso daqiiqadaha u dhexeeya gaajada iyo dheregga (xilliga inyar uun ay ka hadhay afurka iyo kolka aad ku dul yamto afurka).
Ma u malaynaysaa in ay duniduba tabtaa tahay, Eebbe (sarree oo korreeye) waxa uu yidhi “و تلك أيام نداولها ببن الناس”
Aayaddaasi waxa ay leedahay duluc aad u dheer haddii aad hore u fahmi waydana u fiirso xaaladaha aynnu kor ku soo xusnay. Wakhti yar uun gudaheed ayaad laba xaaladood oo aad u kala fog aad galaysaa.
Allaahu akbar Alle waa xikmad badne.

 

Ku carbinta nafta samirka iyo dulqaadka, kaas oo qofka u sahlaya in uu mawjado badan oo noloshu leedahay kaga gudbo.

Samirku waxa uu ka mid yahay wax yaabaha aadanahu ku kala tago, ruux aan sabir lahaynna seeto uma xidhanto wax kastaana waxa ay u baahan yihiin samir iyo dulqaad.

waxa aad ka sabraysaa oo aad nafta ka xakamaynaysaa cunnadii macaanayd, carabkii iska duryami jiray iyo baahiyihii nafta badidood, kolkaa waxa aad u sii tababaranaysaa timaadada iyo waxa ka iman doona.

Soonku haddaba waa rugta laga shidaal qaato ee lagu baro nafta samirka.

 

Alle ayaa xikmad badne ah.
Rabadaan kariim.

waxa qorey:Sakariye Cabdixakiin Maxamed Miido

xuquuqda :aqoonkaab




Leave a Reply

Your email address will not be published.