Search
Tuesday 20 November 2018
  • :
  • :

Yahoo oo xidhay adeegyo badan ay leedahay

Yahoo oo xidhay adeegyo badan ay leedahay
Follow
( 0 Followers )
X

Follow

E-mail : *

Shirkadda Yahoo waxay ka mid tahay shirkadaha ugu waa weyn dhicana Social Mediaha ayaa bilowday inay qaado tallabooyin xidhitaan adeegyo badan ay soo bandhigi jirtay, sida wararka lagu sheegay 15-ka bisha aanu ku jirno waxa la xidhi doona adeega Yahoo Mail wuxuna u shaqayn doona oo kaliya nidaamka IOS 5.

 

Isla taariikhda hore aanu sheegnay waxa la xidhi doona oo kale adeega kharidada Yahoo waxaanay u shaqayn doonta oo kaliya adeega Flickr, dalalka sida dalka Spain waxa laga xidhay adeega Yahoo Movies iyo Yahoo Music.

 

Dhinaca wadamada sida Faransiiska, Ingriiska, Germany, Spain, Talyaaniga iyo Canada laga xidhi doono adeega Yahoo TV iyo Yahoo Auto.

 

Waxa kale laga xidhay oo kale dadka horumariya adeegayada (Developers) adeegyo sida GeoPlanet, Place Spotter iyo Pipes, laakin adeegyada ay xidhay intooda ugu badan dad badan may isticmaali jirin taasina ay noqotay in shirkadda ay ka maaranto adeegyadan.

info@aqoonkaab.com

 



Maxamed Maxamud Sardheeye waa Qoraa wax badan ka qorey arrimaha bulshada , caafimaadka , arrimaha islaamka iyo wararka Technologiyada waxa uu ku Takhasusey culuumka computerka gaar ahaan qaybaha web developerska iyo networking .


Leave a Reply

Your email address will not be published.